Ma ogtahay in Gacantaada laga ogaan karo shaqsiyadaada!?

(berberanews-Qubanaha) Cilmi baadhayaal daraasadeeyay shaqsiyadda qofka oo fadhigoodu yahay wadanka Ingiriiska ayaa warbixin ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen in gacanta qofka laga ogaan karo shaqsiyada qofka iyo waxa uu yahay.

images (10)

Warbixintan oo dhawr nooc u kala saaraysa bini’aadamka ayaa waxaa lagu yidhi gacanta qofka ayaa laga ogaan karaa dabeecadiisa, noloshiisa iyo waxa uu ku wanaagsan yahay.

Cilmi baadhayaashan waxaa aydadka u kala qaadeen dhawr qeybood waxaana ay ku bilaabeen sidatan.

1,Qofka dheer waa ruux aragti dheer sida gacantiisa oo kale waana ruux dabeecad fur furan waxaana uu jecelyahay in inta badan aragtidiisa la qaato.

2, Qofka gacanta  gaaban waa ruux fawdo badan inta badanna aan go’aan ka gaadhi karin noloshiisa.

Sidoo kale qofkan waa qof aan dhawrin balamaha lala galo oo waa uu balan ka baxyo badan yahay..

3, Qofka weyn waxaa lagu tilmaamay inuu yahay ruux isku kalsoon inta badanna waxaa uu awood u yeeshaa inuu maareeyo xaalad kasta oo nolshiisa soo wajahda.

Kooxda warbixintan diyaariyay waxaa ay ku doodayaan in daraasadooda ay ku ogaadeen in qofka noocaan oo kale ah uu xataa isku dayo inuu noloshiisa bad baadiyo xataa hadii ay halis gasho.

4, Qofka yar waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay qof wahsi badan, xanuunku iyo wal wal badan oo aan haba yaraatee aan wax go’aan ah ka qaadan noloshiisa.

5, Qofka calaacasha gacantiisa ay xannafta leedahay waxaa lagu sheegay inuu yahay qof qof dulqaad badan ,shaqo badan oo haddana caafimad badan, dadka fahmi og dhanka kale haddana waxaa uu ka mid yahay bahda dadka sharka badan waxaana uu jecelyahay inuu mar walba guulaysto.

6,Qofka gacmaha jicilsan waa ruux fikir dabacsan oo dadka aan la murmin dadkana xushmeeya ama qadariya

7,Qofka gacmaha ka dhidida waxaa ay warbixintan ku tilmaantay  inuu yahay shaqsi been badan, oo u jan jeera dhanka haasawaha ama haddii si kale loo yidhaa mucaashaq ah isla markaana jadwalka shaqadiisa sidegen u samaysta.

8,Ruuxa gacamaha qalalan ama aan ka dhididin waa ruux isla weyn oo ka dhiidhiya inuu qaato gar qaato xataa haddii uu qaldan yahay.

9, Ruuxa gacanta dhuuban warbixintaan waxay ku sheegtay inuu yahay shaqsi xanaaq badan oo haddana ma shaqayste ah.

10, Qofka gacanta kulul waa qof  wanaagsan oo naxariis badan, farxad badan haddana dadka soo jiita oo sheeko badan.

Diyaariye:C/qaadir Askar

askars4@hotmail.com

berberanews.com