Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey Raysal-wasaaraha cusub iyo ballan-qaadka uu jeediyey

Muqdisho(Berberanews):- Ra’iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta la ansixiyey sharcinnimada Xilka Madaxweynuhu u magacaabay dhawaan, ka dib markii uu maanta hortagay Baarlamaanka si loogu qaado codka kalsoonida.

Mudanayaashii kulanka fadhiyay oo tiradoodu ahayd 243 xildhibaan ayaa waxaa 239 ka mid ah ay codkooda siiyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, halka laba mudane ay ka aamuseen laba kalena ay diideen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhaawaqay in ra’iisul wasaaraha cusub uu wixii maanta ka dambeeya la wareegayo howlaha xukuumadda, loogana fadhiyo inuu soo dhiso gole wasiirro.

Intaa ka dib waxaa hadal ka jeediyay Golaha Baarlamaanka Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo sheegay inuu xoogga saarayo wax ka qabashada caddaaladda, la-dagaallanka argagaxisada, horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii dalka uu u gaadhsiin lahaa horumar wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isaguna hadal ka jeedinaya golaha baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ku saabsan go’aankii ay xildhibaannadu ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.