WARBIXIN: Wenger oo uhanjabay Chelsea iyo Kooxaha kale ee kula tartamaya Horyaalka

Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in ciyaaryahanadiisa ay cadeyn doonaan in wali aysan hoos uga dagin saadaasha ah in horyaalka ay ku guulaystaan
Arsenal-v-Borussia-Dortmund-UEFA-Champions-League-2481397-1-540x359
Gunners ayaa xilli ciyaareed wanaagsan qaadanaysa kadib guulo waa weyn ee ay gaartay, hase ahaatee inay hogaanka horyaalka sii hayso waxaa ku xirnaan doontaa inay guul daro ka fogaadaan kulanka soo socda.
Kooxda macalin Wenger ayaa udhici karta kaalinta afaraad eek ala horeynta horyaalka hadii ay guul daro kala kulmaan Kulanka Chelsea habeenka Isniinta.
Waxaase ay sidoo kale natiijadaas ku xirnaan doontaa hadii ay soo badiyaan Liverpool iyo Manchester City oo sabtida maanta ah ciyaaraya.
Bar bardhicii Everton iyo guuldaradii 6-3 ahayd ee ay kala kulmeen Manchester City ayaa kooxdan hoos usoo celisay.
Guuldaradii kasoo gaartay kulankii Napoli ee Champions League 9 maalin kahor, waa kulankii sedexaad oo aysan wax guul ah gaarin, taasi waxaa ay ka dhigaysaa in macalin Wenger uu wajaho cadaadis aad uweyn.
Isagoo lahadlayay saxaafada ayuu yiri : “waa ay na niyad jabiyeen, laakiin uma malaynayo inay Moral ahaan na saameeyeen, ilaa iyo haatan natiijooyin wanaagsan ayaan haysanaa maxaa yeelay wali anaga ayaa ah sareeya.”
“ma arko wax calaamad gaar ah oo dib udhacaas ka yimid, hada ciyaaryanada ayaa doonaya in natiijooyinkaas ay jawaab ka bixiyaan habeenka Isniinta”.
“waan go’aansanay  inaan dagaalano ilaa maalinta ugu danbaysa xili ciyaareedkan, miyaan noqon doonaa kuwa koobaad ama afaraad”.
“marka aad ciyaarayso kulamo waa weyn oo horyaalka ah, waxaad ubaahantahay inaad ku guulaysato gurigaada, waxaan doonaynaa inaan jawaab culus ka bixino guuldaradii ugu danbeysay” ayuu sheegay Wenger oo tilmaamay in City ay ahayd koox weyn oo horyaalka looga cabsi qabo.
Wenger ayaa sheegay inaysan saameyn ku yeelan doonin kooxdiisa ganaaxii Jack Wilshere oo labo kulan maqnaanaya kadib markii uu farta dhexe utaagay taageerayaasha City.
”waan aqbalnay, “ayuu yiri macalinkan reer France