Weyne Rooney oo diyaar u ah kulanka West Ham ‘Liiska Ciyaaryahanada Moyes haysto”

Wayne Rooney ayaa ku dhawaanaya in  kusoo laabto kooxdiisa Manchester United, marka ay sabtida la ciyaarayaan kooxda West Ham United.
Manchester-United-v-Shakhtar-Donetsk-UEFA-Champions-League-2913178-540x359
Xidigan qaranka England ayaa dhaawac uu soo gaaray, hase ahaatee waa inuu si deg deg ah ugu soo laabtaa kooxda si uu uga bad baadiyo guuldaradii sedexaad oo horyaalka kasoo gaarta.
Guuldaro Kooxda Hammers  ku gaarsiiso garoonka Old Traffod Kooxda United ayaa noqon doonta markii ugu horeysay tan iyo sanadkii   1979.
Wiilka garabka ka ciyaara Manchester United Nani ayaa dhaawac ahaan garoomada ka maqnaan doona, isagoo raacay wadadii  Robin van Persie, Marouane Fellaini iyo Michael Carrick.
Kooxda uu macalin David Moyes haysto ayaa kala ah: De Gea, Lindegaard, Johnstone, Rafael, Smalling, Ferdinand, Evans, Evra, Vidic, Fabio, Valencia,  Jones, Fletcher, Cleverley, Giggs, Anderson, Young, Zaha, Januzaj, Rooney, Welbeck, Kagawa, Hernandez.