Xeer-ilaalinta Somaliland oo dembi u abuuraysa Afar Weriye oo Maanta markii labaad Maxkamadda hor-tagay

Hargeysa(Berberanews):-  Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maanta dib ugu yeedhay afar Weriye oo sagaalkii bishan aynu ku jirno dammaanad ahaan Xukuumaddu ugu soo daysay, ka dib markii ay lix cisho ku xidhnaayeen Saldhigga dhexe ee Booliska iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Weriyeyaal la xidhay

Weriyeyaashaas oo ka tirsanaa Suxufiyiin tiro badan oo caddaalad-darro Wargeyska Hubaal ay Xukuumadda Siilaanyo kula kacday ku muujiyey bannaan-bax nabadgelyo ah, ayay Ciidammada Boolisku Xidh-xidheen, kuwaasoo la sheegay in markii dambe laga furfuri kari waayey Taliyaha Booliska Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, iyaga oo aanay jirin wax dembi ah oo ay galeen ama ay kaga duwanaayeen Weriyeyaasha bannaan-baxa sameeyey.

Afarta Wariye, ayaa maanta markii Maxkamadda la geeyay waxa ay Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex keentay laba Markhaati, kuwaasoo halkaasi ka akhriyey hadallo ay ku sheegayaan in Weriyayaashani ka qayb-qaateen Muddaharaad ay Saxaafaddu laba toddobaad ka hor samaysay, kaasoo ay kaga cabanaysay caddaalad-darro ay Xukuumadda ka tirsanayaan Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal.

Labada Markhaati ee Xeer-ilaalintu maanta hor-keentay Maxkamadda oo Garsoooraha Maxkamaddu ka dhegeystay, ayaa Xeer-ilaalintu ku doonaysaa inay caddayn uga dhigto kiis la doonayo in dib loogu xidho Afartaa Suxufi oo aan wax dembi lahayn, balse la doonayo in dembi samays ah loo maleego si Weriyeyaasha Madaxa-bannaan ee Somaliland ka hawlgala loogu baraq-jebiyo.

Weriyayaasha, ayaa Maxkamaddu u sheegtay inay maalinta Isniinta ah ee Toddobaadkan mar kale ku soo laabtaan Maxkamadda oo ay Xeer-ilaalintu keeni doonto laba Markhaati oo kale. Afarta Suxufi ayaa kala ah, Xasan Maal Dhidar oo ka tirsan Xafiiska Hargeys ee Teelfiishanka Universal, Siciid Khadar Cabdilaahi, oo ka tirsan Telefiishanka Bulsho, Cabdisalaan Cabdirashiid oo Bulsho Tv ka mid ah iyo Cabdicasiis Bashiir oo ka tirsan Bahda Mareegta Xogreeb.com

Dhegeysiga Dacwadan, Weriyeyaasha ka sokow waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax iyo Xubno ka tirsan Saxaafadda Madaxa-bannaan.

Intii uu talada hayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhan 27 July 2010 illaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21 December 2013, ayaa Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland waxay Xukuumaddiisa kala kulantay tacaddiyadii ugu badnaa ee Warbaahinta Madaxa-bannaan ee dalku aragto intii ay Somaliland jirtay, tacaddiyadaas oo isugu jira xadhig, garaacis, dil, hanjabaad iyo tallaabooyin la mid ah, kuwaasoo intooda badan si badheedh iyo indho-la’aan ah ay ugu kacaan Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Madaxda Boolisku.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.