Xisbiga KULMIYE oo Heshiis uu la galay Xisbiyada Mucaaridka ah kaga baxay

Hargeysa(Berberanews):- Xisbil-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID kaga baxay heshiis ay Khamiistii isla-garteen oo ay ku heshiiyeen in Shir ay Mucaaridku hore ugu baaqeen oo ay Xukuumadda iyo Xisbigeedu ka soo horjeedeen, balse ay dorraad shaaciyeen inay wada-jir u qabanayaan oo ay daaddihinteeda u xil-saareen Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland.

Kuuu

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo maanta Shirka Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ka heshiinnin qabashada Shirka Dood Qaran ee ay hore saska uga qaadeen Xukuumadda iyo KULMIYE, balse ay qodobbo kale ka wadahadleen.

“Annagu waxaannu ku heshiinnay Shirkii saddexda Xisbi Qaran, sadddexd Xisbi Qaran waxay isugu yimaaDdeen inay arrinta si waaqici ah sida ictiraafku ku imanayo iyo maxaynu doonaynaa? Markaa, shirkani waa saddexdii Xisbi Qaran oo wada-tashanaya, waxaannu ku heshiinnay markii aan doodnay saddex qodob oo keliya.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi.

Waxaanu sheegay Guddoomiye Muuse in wixii saddexdaa qodob ka baxsani yihiin fikir cidda qabta u gaar ah oo aan heshiiska ku jirin, waxaanu yidhi; “Wixii saddexdaa qodob ka baxsan qolo waliba waxay ku hadashaa waa fikirkeeda. Qodobka u horreeyaa waa inaynu wadahadalno oo meel dhexdhexaad inoo ahi shirka ha innoo qabato, meeshaasina waa Akadamiyadda.”

“Waxaannu ku heshiinay inaannu ka doodno wax alaale iyo wixii ku saabsan doorashada, maxaa ka dhiman doorashada, maxaa ka dhiman diwaangalintii, qodobbadaa inaanu ka doodno oo aanu is waafajino ayaanu isku raacsanahay asxaabta. Qodobka kale aanu ka heshiinay waa arrimaha dibadda iyo ictiraaf raadinta.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Shalay waan dhegeystay Guddoomiyaha UCID, Faysal rayiga uu qabo waa kuwo ku kooban UCID, lama qabno, kamaannu wada-tashan, annaguna waxaannu qabnaa mid ka soo horjeeda 100%. 22-kii sannadood sidii Burco loogu wadahadlay dib looma wada-tashan ee waa markii u horreysay, taa annagu ma qabno ee waannu ka duwannahay, lamana qabno Dood Qaran ama Shirka Qaran.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.