Berbera: Abaabulka Mudaharaad ka dhan ah Go’aan xukuummaddu nin Ganacsade ah ugu gacangelisay Xarunta Kalluumaysiga Berbera

Berbera-(Berberanews)-Magaalo-xeebeedda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa si weyn looga dareemay dhaqdhaqaaqyada mudaharaad lagaga soo horjeedo tallaabo la sheegay in xukuummaddu Shirkadda Al-Xarbi ugu gacangelisay Xarunta Kalluumaysiga Nag Fish ee magaalada Berbera.

Tan iyo intii ay soo if-baxeen wararka lala xidhiidhinayo Xarunta Nag Fish waxaa isa soo taraya guuxa iyo abaabulka ay hormoodka u yihiin Xildhibaanno, cuqaal iyo dhallinyaro reer Saaxil ah oo ka biyo diiday go’aanka xukuummaddu ninka shicibka ah ugu wareejinayso gacan-ku-haynta iyo maamulka Xarunta Kalluumaysiga.

Xildhibaan Maxamed

Xildhibaan Maxamed Xaaji-Cali Axmed oo la soo xidhiidhay shebekadda Berberanews, ayaa shacabka Magaalada Berbera ku wargeliyay inay maalinta berri ah isugu soo baxaan Mudaharaad ka dhan ah Qorshahan dawladda, isagoo sidoo kalena sheegay in xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah Shaqaalihii iyo maamulkii hore u joogay Xaruntan Nag fiish, waxaannu yidhi, “Bulshada damiirka leh waxaannu ugu baaqayaa inay isugu soo baxaan Xaruntaas oo mudaraad aanu ku diidanahay ciddan sifaha qaldanloo soo siiyay aanu ka dhigayno, maadaama maamulka Gobolku wax ka qaban waayeen cabashadii dad hantiilayaasha ahaa ee maalgashaday dekedda yar oo aan xaqoodii meel la dhigin, shaqaalihii oo aan xaqoodii helin oo qaarkood la xidhxidhay.

Iyadoo uu warqad u soo qaatay Al-xarbi Company oo uu lagu wareejinayo meeshaas, Berberi noqon mayso meel hantida ummadda warqad loo soo qaato.”sidaa waxa yidhi Xildhibaan Maxamed Xaaji-Cali Axmed.

Berberanews.com

info@berberanews.com