Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland oo Digniin Culus u diray Maxkammadda Sare

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa uga digay Maxkammadda Sare ee Somailand inay soo faro-geliso go’aankii aqlabiyadda ku ansaxay ee Guddi-hoosaadyada Golahaas.

Digniinta Cirro, ayaa daba socotay waraaq Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somalilandu gudbiyay Golahaas oo uu ku dalbaday in la hakiyo go;aankii shalay Mudanayaashu ku ansixiyeen Guddi-hoosaadyada, ka dib markii laba-ku-xigeen ee golaha iyo Xildhibaanno faro-ku-tiris ahi ka biyo diideen ansixintaas.

“Maxkammadda  sare waxay soo qortay waraaq  soo gaadhay hadda oo tilmaamaysa hakin go’aan gole, oo ahaa kii isku dhaandhaynta, taasoo ka soo horjeeda go’aankii goluhu shalay gacanta u taagay ee uu ku ansixiyay 49 mudane, goluhu si rasmiya ayuu uga jawaabi doonaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Cirro oo ka hadlay furitaanka Kal-fadhigii Golaha ee maanta.Cabdiraxmaan Cirro

Md, Cirro wuxuu digniin u diray Maxkamadda sare, isagoo sheegay inay gole ahaan ka jawaabi doonaan, waxaannu yidhi, “Waxaan uga digayaa waaxyaha qaranku inay is faro geliyaan,” wuxuu intaa ku daray Guddoomiyuhu oo yidhi, “Golaha 57 mudane ayaa fadhiayay oo kulmiye ah, intooda badani Kulmiye bay ahaayeen,, goortay kulmiye ka saareen garan maayo, mudanayaashu iyagoo karaamadooda iyo sharaftooda ilaashanaya bay go’aan midaysan bay ka soo saareen.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo waraysi siiyay HCTV, ayaa caddeeyay inay warqad lagu hakinayo go;aankaa u gdbiyeen Golaha, waxaannu yidhi, “Dacwadu way jirtaa waaannu hakinay ku dhaqanka go’aanka murranka dhaliyay dacwaddiina waanu u gudbinay guddoomiyaha baarlammaanka, waannu sugaynaa jawaabta.”

Berberanews.com

info@berberanews.com