Khilaafka dhexmiranaya Golaha Wakiillada oo gaadhay Maxkammadda Sare ee Somaliland

Hargeysa (Berberanews)- Khilaafka u dhexeeya xubnaha Shirguddoonka Golaha Wakiillada ayaa gaadhay Maxkamadda sare ee Somaliland kadib markii labada guddoomiye-ku-xigeen sharci-darro ku tilmaameen furitaanka Kal-fadhiga 23-aad ee golahaasi oo maanta bilaabmay.

Fadhiga uu ku furmay Kal-fadhiga cusub ee aqalka Wakiilladu oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kana maqnaayeen labadiisa guddoomiye-ku-xigeen – Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa mudanayaashu ku ansixiyeen isku shaandhayntii gudi-hoosaadyada ee Guddoomiye Cirro sameeyey oo ay ogolaadeen 47 xildhibaan iyo ajandaha kal-fadhiga 23-aad ee golaha oo ay u codeeyeen 48 mudane.

Haseyeeshee, Guddoomiye-ku-xigeennada kowaad iyo labaad ee golahaasi – Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyay ansixinta ajandaha ee golaha oo ay sheegeen in aannu guddoomiyuhu xaq u lahayn inuu go’aan kelidii ah ku horgeeyo mudanayaasha. Waxaannay sheegeen inay maxkamadda sare u gudbiyeen dacwad ka dhan ah isku shaandhayntii gudi-hoosaadyada iyo samaynta ajendahaba.

“Shirguddoonka golaha waxa la isku yidhaa guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen, guddoomiyuhuna waxa uu leeyahay waajibaad gooni ah, kumana haysano, laakiin waxaannu ku haysanaa wixii aannu wada lahayn. Isku-shaandhaynta guddi-hoosaadyada waxa wada samayn kara shirguddoonka, sidoo kale, ajendaha golaha waxa wada sameeya shirguddoonka, isagana waad aragtaan oo kumuu qorin warqadda ajandaha guddoomiyaha ee waxa uu ku qoray shirguddoonka, iskumanaanu ogayn, khilaafkii hore oo taagan oo wadahadal noo socdo ayuu (Cabdiraxmaan Cirro) wuxuu samaystay ajendaha, wuxuu ku qoray shirguddoonka Golaha Wakiillada, waayo wuu ogyahay in aannu awood u lahayn isagu inuu kelidii sameeyo ajande.

Sidaa darteed, ajanduhu wuxuu ka yahay golaha qayrul-sharci, waxaannu been abuurtay shirguddoonka magaciisii. Markaa sharci-darradaasi ma aqoonsanin, umana hoggaansami doono.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax.