Maareeyaha Dekedda Berbera oo beeniyay jiritaanka heshiis u dhexeeya Somaliland iyo shirkadda Bollore

Berbera-(Berberanews)-Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor xoor), ayaa meesha ka saaray jiritaanka heshiis maalgelinneed oo u dhexeeya xkuumadda Somalilad iyo Shirkadda Bollore logistics oo sida dhawaan la baahiyay maalgelinaysa dekedda Berbera.

Maareeyaha Dekedda Berbera waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo lana shaqayn doono cidkasta oo xukuummadu heshiis kula gasho ballaadhinta iyo maalgelinta dekedda Berbera, balse aanay wakhti xaadirkan jirin shirkad ajaanib ah oo heshiis maalgelinneed ay xukuumadu la gashay.

Maareeye Xoor Xoor oo war-saxaafadeed maanta uu soo saaray nuqul ka mid ahi soo gaadhay shebekadda Berberanews waxa kale oo uu beeniyay in wax khilaaf ahi u dhexeeyo isaga iyo Wasiir-ku-xigeenka Amiga Cabdilllaahi Abokor. War-saxaafadeedka Maareeyaha Dekedda Berbera Eng, Cali Cumar Maxamed Xoor Xoor waxa uu u qornaa sidan; Maanta oo ay Taariikhdu tahay December 22, 2013 waxaan beeninayaa war been abuur ah oo shalay ka soo baxay Jaraa’idada iyo website-yada qaar. Ma jiro khilaaf na dhex maray Wasiir ku-xigeenka Aminga iyo heshiis dhexgal ah oo madatooyadda lagu qabtay iyo wax caqabad ah oo igaga yimi gelitaanka madaxtooyadda, waanaan ka shaqeeya wasaarad ahaan madaxtooyadda. Arrinta kale ee ku saabsan Shirkaddaha Ajaanibka ah ee doonaya heshiis maalgelineed oo dekedda ah,waxay xukuummadda Somaliland doonaysaa horumarin iyo ballaadhin dhakhso ah oo loo helo maalgelinta dekedda. Marka la helo cid buuxisa horumarka aynu rabno xukuummad ahaan ayuun baa la gelayaa heshiis, anna xukuummadda Ayaan ka mid ahay, waxaannaan ku shaqeeyaa tallada xukuumadda.”

Berberanews.com

info@berberanews.com