Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland oo ka hadlay heshiiskii dhexmaray Xisbiyada

Hargeysa-(Berberanews)-Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, ayaa War-saxaafadeed ay maanta Hargeysa ka soo saareen ku soo dhaweeyay heshiiska saddexda xisbi qaran ku gaadheen qabashada Dood qaran, inkasta oo xisbiga Kulmiye iyo xukuumadduba diideen.

War-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga, Xasan Guure Jaamac, ayaa u dhignaa sidan “Haddaanu nahay Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta iyo ururada la bahda ah sid aGolaha Aqoonyahanadda waxaanu si diiran u soo dhaweynaynaa heshiiskii ay isla gaadheen seddexda Xisbi Qaran in si wada jir ah oo qabto Shirka Dooda Qaran. Si la mid ah oo niyadsami ah waxaanu teegaaraynaa go’aankii geesinimo ee ay gaadheen Akaadimiyadda Nabada Iyo Xalinta Khilaafaadka in marti geliyaan Shirkaa Dooda Qaran.Guurre

Waxaanu kale oo aanu si qalbi furan ugu mahad naqaynaa Bulshada Rayidka, Ururada Dumarka iyo Dhalinyaradda, Golaha Aqoonyahanadda, Xildhibaanada Madaxa Banaan, Saxaafadda Madaxa Banaan iyo Shacabka guud ahaan gudo iyo debedba oo kuligood qayb ka ahaa suurtagalka Heshiiskan.

Ugu dambayntii, anagoo ku boorinayna cid kasta oo ay khusayso in ay si hagar la’aan ah u sii wadaan shaqadoodan amaanta leh, Madashu waxay si mug leh u aaminsantahay in dhaliilaha ku jira Dastuurka iyo Xeerarka Dalka uu noqdo mid ka mid ah arimaha ugu waaweyn ee lagu falanqeeyo Shirkaas.”

Berberanews.com
info@berberanews.com