Guddida Qabanqaabada Shirweynaha KULMIYE oo hoggaan cusub doortay

Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga Qabanqaabada shirweynaha 3-aad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE oo hore muran uga dhashay qayb is-dooratay, ayaa mar kale dib u doortay hoggaan cusub oo uu Guddoomiyaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi ogolyahay.

Hoggaanka cusub ee guddigu dooratay oo ka kooban guddoomiye, afar ku-xigeen iyo xoghaye, ayaa Guddoomiyaha dib loogu doortay Abubakar Xaamud Jibriil oo ay hore qayb ka mid ah xubnaha guddigu jagadaasi ugu cumaamadeen.

War-saxaafadeed uu saaray Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku xaqiijiyey doorashada hoggaanka Guddiga Qabanqaabada shirweynaha xisbigu, waxa uu u qornaa sidan;

“Waxa maanta oo taariikhdu tahay 23/DEC/2013 shir ay isugu yimaadeen Guddida Qabanqaabada ee shirwaynaha 3aad ee xisbiga KULMIYE ku doorteen guddoomiye, ku-xigeenno iyo xoghaye, waxaana Guddoomiye loo doortay Abubakar Xaamud Jibriil, halka afar guddoomiye-ku-xigeenna loo kala doortay; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Xasan Mowliid Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka afraad Sahal Maxamed Jaamac.

Waxa kale oo shirkaasi Xoghayaha gudida qabanqaabada loogu doortay Axmed Cali Maxamuud.

Sidaasi darteedna waxay Guddiga Qabanqaabadu si toos ah u bilaabeen hawlahoodii shaqo,” ayuu ku soo koobay Guddoomiye Muuse war-saxaafadeedkaasi.

Berberanews.com

info@berberanews.com