“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu meel kaga dhacay Qarrannimada Somaliland..”Xildh Siciid Cilmi

“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Wuxuu Meel Kaga Dhacay Qarrannimada Somaliland, Haddii Baarlamaanka La Soo Faro-geliyana Waxay Duminaysaa Dawladnimada…”

“Horta nin cadhooday oo duday meel kastaba wuu tagaa…Laakiin, arrintaasi maaha mid ay Xildhibaannadu kula socdaan…..Waxa uu ku saxanyahay Guddoomiyahayagu waannu ku raacaynnaa mid Xisbi naga joojin karana maaha, Haddii Golaha faro-gelinta laga dayn waayana dalkani sii jiri mayo..”

“Madaxwaynuhu waxa uu ku joogaa waa cod sharci ah, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarena wuxuu ku joogaa waa Gacantaag-gayaga, Guddi-hoosaadkayaguna wuxuu ku yahay sharci waa codka aannu u qaadnay..”

“Haddii Golahan awood iyo cabbudhin loola tago waxay noqonaysaa keli-talisnimo iyo dhaqan ah car juuq dheh iyo car hadal, taasina ma soconayso..” Waraysi Gaar Ah: Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda, Garsoorka, Xuquuqda Aadamaha iyo Shuruucda ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga Caddaalada, Garsoorka, Xuquuqal Iinsaanka iyo Shuruucda ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe,ayaa sharci-darro iyo meel-ka-dhac qaawan ku tilmaamay Warqad uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland soo saaray oo uu si ku-meel-gaadh ah ugu laalay Sharcinnimada Isku-shaandhayn uu Guddoomiyaha Wakiilladu ku sameeyey Guddi-hoosaadyada Golahaas oo ay Mudanayaashu ansixiyeen Sabtidii toddobaadkan oo qoraalka Maxkamaddu soo baxay.

siciid-ismaaciil-robleh

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo xalay Khadka Taleefanka Waraysi gaar ah kula yeeshay Weriye Faysal Xiis Weerar (Afgaab) oo ka tirsan Wargeyska Somalilandtoday, ayaa ku dooday in qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, uu yahay mid sharciga ka baxsan sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay u muuqanayso faro-gelin Maxkamadda sare ku samaynayso shaqada Golaha Wakiillada ee sharciga ah.

Siciid Cilmi Rooble waxa kaloo uu sheegay in jiritaanka dawladnimo ee Somaliland uu yahay mid kala madax-bannaan, isla markaana Waaxda keliya ee fara-gelin karta Waaxaha kale ay tahay Baarlamaanka oo la xisaabtami kara Waaxda Fulinta (Xukuumadda) iyo Waaxda Garsoorka oo uu tulmaamay inay ku daba geli karaan Xeerarka ka soo baxa Golayaasha sharci-dejinta sida ay ugu dhaqmaan.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Caddaalada, Garsorka, Xuquuqda Aadamaha iyo Shuruucda ee Golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe, ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay aqlabiyaddoodu ay yihiin am aka soo jeedaan Xisbiga KULMIYE, hase-ahaatee, ay yihiin Xildhibaanno Qaran oo dalka iyo dadka u dhaartay, isla markaana ay yihiin Xildhibaanno Qaran oo wadaaga magaca ah Xildhibaan Qaran, isla maraana ay shaqadoodu tahay inay dalka iyo dadka si aacad ah ugu shaqeeyaan.

“Warqadda uu qoray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxay ahayd mid sharci darro ah, waxaannu  meel kaga dhacay Qarannimada Somaliland, sababtoo ah, wax awood uu u leeyahay inuu arrimaha Golaha ku soo faro-geliyaa ma jirto, waxaanay taasi noqonaysaa mid  gef ah oo uu kula kacay guud ahaan Qarannimada Somaliland. Waaxda Garsoorkuna meel ay sharciyan Golayaasha Sharci-dejinta ku soo faro-gelin karaan ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka jawaabayey sida uu u arko Warqadda uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dastooriga ahi ku laalay isku-shaandhaynta Guddi-hoosaadyada Golaha uu ka tirsan yahay ee Wakiillada oo uu ay isku khilaafsan yihiin Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro iyo labadiisa Ku-xigeen oo iyagu isku dhinac ah, Gudbiyeyna Dacwadda Maxkamadda sare ku laashay Isku-shaandhayntaas.

Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe oo la weydiiyay cidda cabashada Wadda ee dacwadda geysay Maxkamadda inay tahay Xildhibaannada Xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE waxa ay arrintaa uga wadahadli waayeen dacdawadd ka hor, waxa uu ku jawaabay; “Horta, nin cadhooday oo duday meel kastaba wuu tagaa. Laakiin, arrintaasi maaha mid ay Xildhibaannadu kula socdaan (labada Guddoomiye Ku-xigeen). Waxaanan kuu sheegayaa annagu halkan uma joogno KULMIYE iyo Xisbi kale toona. Laakiin, waxaannu nahay Xildhibaanno Qaran oo u dhaartay Dalka, Diinta iyo Dalka, taasaanan ku soconaynaa.”

“Waxaanan kuu sheegayaa waxa uu ku hadlay Baashe (Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada) waxay meel ka dhac ku tahay Somaliland iyo dawladnimada, marka uu leeyahay Golihii waxa uu noqday WADDANI, dee waa gef uu kula kacay Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo u badan KULMIYE. Laakiin, waxa uu ku saxanyahay Guddoomiyahayagu waannu ku raacaynnaa mid Xisbi naga joojin karana maaha, Haddii Golaha fara-gelinta laga dayn waayana dalkani sii jiri mayo!” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid oo sii watay jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxaad ogtahay wixii ka dhacay markii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale damcay inuu Golahan xidho, immikana dhici mayso inay cddi xidho ama Maxkamad halloo tago ama Xukuumad hallala shiree, Annagu waxaannu ka shaqaynaynnaa waa danta dalka iyo dadka iyo raad wacan oo looga tago jiilasha soo socda, cid Golahan faro-gelin kartaana ma jirto.”

Xildhbaan Siciid Cilmi Roobe oo  ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey haddii xubno ka mid ah Shir-guddoonku soo dacweeyay oo ay dhexdooda heeshiin waayeen inay xal tahay go’aanka Maxkamadda Sare ka soo baxay wax lagu dhammayn karo waxa uu yidhi; “Horta, dalku waa dimuquraaddi hannaanka dawladnimo ee aynu qaadanayna waa mid waax waliba ay madax-bannaan tahay, Waaxda Garsoorka,  Waaxda Fulinta iyo Waaxda Sharci-dejinta, mid kastaana awood Dastuuriya ayay leedahay, Waaxda keliya ee labada Waaxood ee kale faro-gelin ku samayn karta ama wax ka weydiin karta Fulinta Xeerarka ay soo saareen inay ku dhaqmaan waa Waaxdayada Sharci-dejinta. Laakiin, meel ay annaga Maxkamdi wax nagaga beddeli kartaa ma jirto.”

Md. Siciid Cilmi oo sii wata hadalka jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey waxa uu yidhi; “Midda kale waxaa isku-shaandhaynta lagu sameeyay waa mid gudahayaga ah oo sharci aannu u leenahay, waaanan ku kala baxaynaa Xeer-hoosaadkagaya. Garsoorka iyo Maxkamaduhu markay is-qabsadaan masoo faro-gelinno, Xukuumaddu hadday is-qabastona ma dhex-galno, annaga taayadana Xeer-hoosaadkayaga ayaannu ku kala baxaynaa cid kale oo faro-gelin kartaana ma jirto.”

“Haddii Golahan awood iyo cabbudhin loola tagana waxay taasi noqonaysaa keli-talisnimo iyo dhaqan ah car juuq dheh iyo car hadal, taasina ma soconayso, nabadgelyadana wax bay yeelaysaa, sawirka wanaagsan ee aynu caalamka ku leenahay ee la innoogu soo joogsanayaana jiri maayo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Ugu  dambayn Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo la weydiiyay sida ay u shaqaynayso isku-shaandhaynta Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada ee muranka dhalisay ee ay ansixiyeen, waxa uu ku jawaabay; “Horta, wax kastaaba waxay leeyihiin dariiq loo maro iyo sharci loo raaco, Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiilladana waxaa sharci ah in cod loo qaado, waana loo codeeyay oo waa la doortay, cidda diiddani xataa marka codka lagaga awood bato way raacaysaa oo waa sharci codku marka la ansixiyo.”

“Madaxwaynuhu waxa uu ku joogaa waa cod sharci ah, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarena wuxuu ku joogaa waa gacan-taag-gayaga, Guddi-hoosaadkayaguna wuxuu ku yahay sharci waa codka aannu u qaadnay, cidda lagaga awood batay foodkuna waa inay sharciga raacdaa oo ay taageertaa kol haddii laga batay. Laakiin, anigu garan mayo siday u sii jirayso Dawladnimadeennu haddii codka iyo aqlabiyadda dimuquraddiga ah la ixtiraami waayo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo uu kkadka Taleefanka xalay kula yeeshay Weriye Faysal Xiis Weerar (Afgaab) oo ka tirsan Wargeyska Somalilandtoday.