Mareykanka Iyo Ethiopia oo Ka Wada Hadlay Xaalada Soomaaliya

Berberanews-Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda itoobiya oo kulan gaar ah  la yeeshay wakiilka dowladda mareykanka u qaabilsan arrimaha soomaaliya ayaa sheegay in itoobiya ay mareykanka kala shaqeyneyso la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, gaar ahaa geeska afrika, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda itoobiya waxaa kale oo uu sheegay in itoobiya iyo mareykanku ay kamideysan yihiin in si wada jir ah looga hortago falal argagixiso oo ka dhaca gobolka geeska Afrika.

DSCN1387-copy

Wasiirudowlaha itoobiya oo sii hadlayey ayaa yiri “aragaixisadu waxay nagu haysaa gobolka  cabsi weyn sidaa owgeed waxaan gacan kageysaneynaa dhamaan awoodeena intii aan karno sugidda ammaanka gobolkeena,iyadoo laga duulayo dagaalka calamiga ah ee ka hortagga agagixisada”ayuu yiri wasiirudowlaha arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda itoobiya waxaa kale oo uu sheegay in dhawaan ay ciidamada itoobiya ku biiri doonaan howlgalka ciidamada midowga afrika ee dalka soomaaliya kaas oo lagu magacaabo AMISOM,isagoo xusay in ay arrintaasi ay gacan kageysaneyso sida uu yiri ammnaaka soomaaliya iyo gobolkaba,wuxuuna intaasi ku siidaray in dowladda itoobiya ay sidoo kale si dhab ah mareykanka ugala shaqeyneyso sidii soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa.

Dhinaca kale wakiilka dowladda mareykanka u qaabilsan arrimaha dalka soomalaiya oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay uga go,antahay dowladda itoobiya inay gacan kageysato nabad ku soo dabaalida dalka soomaaliya iyo gobolka geeska afrika intaba sida uu yiri,wuxuuna intaasi ku daray in dowladda mareykanka ay si aad ah ahmiyad u siineyso xoojinka iskaashi laga yeesho la dagaalanka aragagixisada guud ahaan gobolka geeska afrika iy khaas ahaan itoobiya,wuxuuna intaasi ku daray in haddii la doonayo in laga adkaado xarakada Alshabaab ee dalka soomaaliya aan taas lagu gaarikarin tallaabo meletari oo qura ,balse loo baahan yahay sida uu yiri in iyana lala yimaado xal siyaasadeed kaas oo aanu faahfaahin dheeraad ah ka bixinin

berberanew-Desk

Hargeaysa/somaliland