“Waxaan u sheegaynaa dadweynaha reer Saaxil, Somaliland iyo qurbojoogga inaanu istaagayn kacdoonkaa Berbera ka bilaabmay,,” Rooda A Yaasiin

Berbera-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin, ayaa ka hadashay Mudaharaad kooban oo ka dhacay magaalada Berbera, oo ay joojiyeen ciidammada Boolisku.

Rooda Axmed Yaasiin oo saxaafadda u warrantay, ayaa sheegtay inaanu istaagayn kacdoonka ka bilaabmay magaalada Berbera, islamarkaana aanay magaaladu noqon doonin mid xukuumadda Siilaanyo iyo Kulmiye inta ay xilka hayaan lagu boobo goobaha ilaha dhaqaale ee ku yaal.

“Waxaan u sheegaynaa dadweynaha reer Saaxil, Somaliland iyo qurbojoogga inaanu istaagayn kacdoonkaa maanta Berbera ka bilaabmay, annaguna aannu hormood ka noqonayno, maadaama dadka lagu dullaynayo, magaaladana noqotay magaalo marka Siilaanyo iyo Kulmiye xilka hayo in dadka laga boobo hantidoodii iyo ilihii dhaqaale ee Somaliland u dhexeeyay. Waxaan leenahay cidna uga dulqaadan mayso, booliska iyo affarta Nin ee Gobolka haysta ma noqonayaan, dadka Berberaa ka badan, dadka reer Somaliland baa ka badan, dadka Saaxil baa ka bada.” Ayay tidhi.

ROODA A YAASIIN

Rooda Axmed Yaasiin waxay ka hadashay mudaharaadkii ka dhacay Berbera, waxaanay tidhi,  “Waxaan ka hadlayaa Marxalado badan oo maanta ka taagan Berbera oo ay ka mid tahay, in maalin walba qof la yidhaahdo soo eego meel ka  bannaan Berbera, maanta marxalladii ugu xumayd ee dagaal iyo dil ka dhici gaadhay Xarunta Nag Fishta oo la iibiyay oo dad la soo siiyay, iyadoo dadkii illaa xilligaas ilaalinayay la xidhay oo la garaacay, saldhiggana lagu guray.

Maanta waxaa dhacay Mudaharaad, iyadoo la cabudhiyay dadka reer Berbera oo ay khaatiyaan taaganyihiin xaggooda, ayaannu annagu Xisbi ahaanku war helay, iyadoo mudaharaadkaasi ka socdo Berbera,iyadoo dadkii jilicsanaa ee dhulkooda lala wareegayay waxaa loola soo baxay xabbad oo waa la laalayay..”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin waxay intaa ku dartay in sarkaal ka socda madaxtooyada oo Berbera ka shaqeeyaa uu goobta Nag Fish kula dagaallamay Xildhibaan ka tirsa Golaha Deegaanka Berbera oo qiimaynayay xaaladda goobtaas, “Maanta waxaa kula dagaallamay nin xildhibaana oo xaaladda meesha soo eegaya nin qoyska madaxtooyadda ka socdaa.”

Berberanews.com

info@berberanews.com