Xukuumadda oo awood ciidan u adeegsatay Dadweyne Mudaharaad Cabasho ah ka dhigay Berbera iyo Mucaaridka oo ka hadlay

Berbera-(Berberanews)-Maamulka Gobolka Saaxil, ayaa awood ciidan u adeegsaday dadweyne shacab ah oo bannaan-bax salmi ah ka dhigay magaalada Berbera, kuwaasoo ka soo horjeeda qorshaha xukuummaddu Ganacsato shacab ah ugu gacangelisay Xarunta Kalluumaysiga Berbera.

Dadweynahan oo Mudaharaadkooda bilaabay saaka subaxnimmaddii hore, ayaa waxaa xoog iyo qori caaradii ku kala eryay askar tiro badan oo xukuummadu xalay dhigtay Xarunta Nag Fiish ee magaalada Berbera.

Illaa hadda waxaa wararku sheegayaan in dhawr qof loo xidhay Mudaharaadka ka dhacay magaalada Berbera, iyadoo sidoo kalena gebi ahaanba saaka Dugsiyada loo diiday inay nusasaace u baxaan.

Qaar ka mid ah masuulliyiinta Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Gobolka Saaxil, ayaa si kulul u cambaareeyay talaabada lagu xukuummaddu ku dhaxal-wareejisay Xarunta Kalluumaysiga Berbera, iyadoo sidoo kalena ciidammadu xidheen gebi ahaanba wadada hormarta Xaruntaas oo gaadiid iyo dadba laga mamnuucay.

La soco Goor Muuqaalka Mudaharaadka