Mooshin lidi ku ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo loo gudbiyay shirguddoonka Baarlamaanka

Hargeysa-(BerberanewsGolaha Wakiilada Somaliland ayaa la sheegay in gudoomiyaha Maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali ay qoraal u yeedhis ah kaga dalbadeen inuu golahaasi horyimaado.
Sida ay Wargeyska Haatuf oo warkan qoray u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada golaha Wakiilada ayaa sheegay in xildhibaanada wakiiladu ay shirgudoonka u gudbiyeen mooshin ay ku soo jeediyeen in golaha uu horyimaado gudoomiyaha Maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil oo ay ku eedaynayaan inuu xadgudub ku sameeyay awoodaha Distooriga ah ee golaha iyo go’aanada xeer hoosaadkoodu jideeyay, taas darteedna la sheegay in sidoo kale gudoomiyaha Maxkamada sare loogu yeedhayo xaalada wakhtigan xaadirka ay
cadaalada dalku marayso.
Dhinaca kale mooshinkan ka dhanka gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa ka dhashay hakinta ay Maxkamadu ka soo saartay ku dhaqanka go’aankii isku shaandhaynta guddiyada golaha Wakiilada ee ay dacwada geeyeen labada gudoomiye ku xigeen ee wakiiladu Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed ee ay ku deedafeeyeen isku shaandhaynta guddiyada uu ku sameeyay gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro, ayaa gole weynuhu si buuxda isku shaandhaynta guddiyada ku ansixiyeen.