Shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo dub u dhac ku yimi

Hargeysa(Berberanews):-Shirwaynihii saddexaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa maanta la shaaciyey in dib lo dhigay markii saddexaad, waxaanu Guddoomiyaha Xisbigaasi sheegay in shirkan oo qabashadiisa hore loogu muddeeyey 25-ka bishan Decemb, dib loogu riixay 21-ka January ee sannadka soo socda ee 2014-ka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shirwaynaha xisbigaasi Axmed Cali Maxamuud. Labadan masuul oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbigaasi ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in shirka dib loogu dhigay 21-ka bisha koowaad ee sanadka dambe, sababo la xidhiidha qabanqaabada.

Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirwaynaha dib loo dhigay ee Kulmiye, Axmed Cali Maxamuud oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi; “Qabsoomidii shirweynaha oo mudadiisii hoosta naga soo gashay darteed waxaanu go’aan ku gaadhnay  in 21/01/2014-ka  uu qabsoomo shirweynihii xisbiga Kulmiye.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna amaanay Guddida qaban-qaabada, waxaanu yidhi; “Aad ayaan ugu mahad naqayaa guddida qaban qaabada shirweynaha oo ilaa shalay dedaalaysay oo isku yimid, samaystayna  qorshayaashii ay ku shaqayn lahaayeen iyo guddoomiyayaashoodii, waynu daahnay waana qasab inaynu dib u dhacno shirka intaas leeg miisaanka leh sababo badan awgeed.”

Berberanews.com

info@berberanews.com