Soomaalida ku sugan Gobollada Dagaalladu ka socdo Koonfurta Sudan oo Diyaarado lagu daad-gurayn doono

Jubba-(Berberanews)-Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfurta Sudan Shaafici Nuur Calas, ayaa sheegay inay daad-gurayn doonaan Soomaalida ku sugan Gobollada Dagaalladu ka socdaan ee dalkaas.

Xoghayaha oo u warramay BBC-da, ayaaa sheegay inay wadaan qorshe lagu soo qaadayo dadka Soomaalida ee ku sugan gobollada collaaduhu ka socdaan,iyagoo la kaashanaya Hay’adaha gargaarka, islamarkaana ay wadaan diiwaangelinta dadka doonaya inay Somalia ku laabtaanoo warqado loo sammaynayo.

 “Qorshaheenna hadda waa inaan meelaha ay dhibaatadu ka jirto sida Bor iyo magaalooyinka kale ee dagaalladu ka socdaan aan kasoo saarno Soomaalida ku sugan, waxaana socda inaan helno hab aan uga soo saarno, maadaama ay xaaladdu hadda u muuqato inay isbedelayso,” ayuu yirdh Shaafici.

 SSSSSSS

Mar la weydiiyay habka ay doonayaan inay Soomaalida ku xayiran xerada UN-ku ay ku leedahay gobolka Jonglei gaar ahaan Bor oo u ah magaalo-madax ay uga soo saaraan, ayaa sheegay in arrintan aysan iyaga oo keliya ku jirin, balse ay wax ka waddo dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana jirto rajo ah inaan kasoo daad-gureyno dadkaas magaalada Bor oo ay dhibaato xooggan ku haysato.

Xoghayaha Safaaradda Somalia wuxuu intaa ku daray in ciidaa Kirismiska ka dib ay isticmaali doonaan Diyaarado ka soo qaadi doona magaalada Bor dadka Soomaaliyeed oo geynaya xero Qarammada Midooby leedahay oo ku taal gudaha dalkaas, “Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ku sugan Bor waxay noo sheegeen in laga yaabo in ciidda Kirismiska ka dib ay howlahooda caadi u billowdaan, ayna tegi doonaan halkaas diyaarado, kuwaas ayaannu doonaynaa inaan ku soo daad-gureyno Soomaalida xeryaha Qaramada Midoobay ku jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay xoghayaha.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com