3-da Xisbi oo ku-heshiiyey magac lagu beddalay Dood Qaran, Waqtiga la qabanayo iyo Ajandaha lagaga hadlayo

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland Prof: Maxamed Faarax Xirsi, ayaa shaaca ka qaaday inay saddexda Xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ku heshiiyeen inay Akaademigu u magac-bixiso Shir qabashadiisa la isku khilaafsanaa oo ay Xisbiyada Mucaaridku ugu yeedheen Dood Qaran. Heshiiskaa ka dibna ay magac kale loo bixiyey, isla markaana la isla qaatay waqtiga la qabanayo.

fffffGuddoomiyaha Fulinta ee Akaademiga nabadda iyo horumarka Somaliland Maxamed Faarax waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Akaademiga ee magaalada Hargeysa, waxaanu qoraal kooban oo uu Guddoomiyuhu halkaa ka akhriyey ku sheegay in doorka Akaademigu yahay fududaynta qabashada dood-cilmiyeedka iyo inuu Xisbiyadu waxay ku heshiiyeen iyo gogogl-fidinta Dood-cilmiyeedkaas.

Qoraalka Guddoomiyuhu Akaademiga Maxamed Faarax Xirsi soo saaray waxa uu u dhignaa sidan:- “Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE oo 19/Dec/2013, uu Akaademiga nabaddda iyo horumarku isugu keenay, iyaguna heshiis ay u dhammaayeen isla gaadheen, waxay 24/12/2013, shalay isla af-garteen in qabashada Dooddan loo magac-bixiyo, taas oo laga dhigay Dood-cilmiyeedka Xisbiyada Qaranka.

Haddaba, saddexda Xisbi Qaran waxay si qoto dheer isula af-garteen ajendaha Dood-cilmiyeedka Xisbiyada iyo wakhtiga la qabanayo oo ku beegan horraanta bisha February ee 2014 iyo qaab-dhismeedka ay yeelanayso Dood-cilmiyeedka Xisbiyada Qaranku.

Dood-cilmiyeedka waxaa ka soo qayb-geli doona qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland iyo aqoonyahanno. Doorka Akaademigu waxa weeye  in uu saddexda Xisbi Qaran ka caawiyo gogol-fidinta iyo abuurista jewi ay ku fuli karto hawsha Xisbiyadu ku heshiiyeen.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.