Dhegaweyne iyo Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo Berbera looga Yeedhay iyo xukuumadda oo afka ka xidhatay Xiisadda Nag Fiish

Berbera-(Berberanews)-Intii ka dambaysay mudaharaad doraad ka dhacay magaalo-xeebeedda Berbera oo ka dhashay dadweyne ka gadoodsan Xarunta Kalluumaysiga Nag Fish ee magaalada Berbera oo la sheegay in xukuummaddu shakhsiyaad ku wareejisay, ayaa wwaxaa magaalada ka socday dhaqdhaqaaqyo iyo kulanno is-dabajooga oo ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Odayaasha magaaladu.

Kullannadan oo ka dhashay xiisadda ay abuurtay Bixinta Xarunta Nag Fish oo sababtay indhawr qof oo sheegtay inay lacago ku leeyihiin Xaruntaasi ay xabsiga ku jiraan dhawr maalmood, ayaa waxaa maanta kulan arrintan la xidhiidha yeeshay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee sida weyn uga soo horjeeda tallaabadan iyo odayaal reer Berbera ah.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay kulankaas, haseyeeshee ilo u dhuun daloola oo shebekadda Berberanews ka heshay kulankan, ayaa tibaaxay in lagu falanqeeyay xuddunta dhalisay xiisadda Nag Fiishta Berbera, waxaanay qaar ka mid ah xubnihii goobtaas ka hadlay sheegeen in xukuummaddu liisan ganacsi u siisay Xaruntaas nin aad isugu dhowyihiin Madaxweyne Silaanyo, halka kuwo kalena ay xuseen warar aan xaqiiq ahayn oo maalmahan laysla dhexamarayay Berbera oo sheegaya in xukuummaddu ninkaas ku lammaanaysay Mujaahid Dhegaweyne iyo Suldaan Maxamuud A Sheekh inay la yeeshaan.

Dood iyo falanqayn ka dib xubnaha shirka qabtay waxay isku waafaqeen in loo yeedho Ibraahin Dhegaweyne iyo Sudaan Maxamuud Axmed Sheekh oo wax laga weydiiyo jiritaanka saamiga la sheegay in laga siiyay Nag Fish.

Xukuumadda Somalilad, ayaa afka ka xidhatay inay ka hadasho xiisadda ka taagan Xarunta Kalluumaysiga Berbera, gaar ahaan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha.

Berberanews.com

info@berberanews.com