Garoonka Ugu Qaalisan Koobka Adduunka Brazil 2014 Oo Saqafkiisa Uu Biyo Soo Deynayo

Garoonka ugu qaalisan ee 12ka garoon ee loo dhisay ama loo dayactiray Koobka Adduunka ayaa saqafkiisa kore uu biyo soo deynayaa in ka yar sideed bilood markii shaqadiisa la dhameystiray sida ay sheegeen mareeyayaasha garoonka.
1155367-18114183-640-360
 Secopa, oo ah dowlada hoose ee maamusha garoonka Mane Garrincha National Stadium ee ku tala gobol Basilia, ayaa weydiisan doonta shirkada dib u dhistay sababta saqafka kore uusan u celineynin roobka intii ay socotay kulankii lagu ciyaaray isbuucii hore ee hablaha Brazil iyo Chile.
 
Saxaafada maxaliga ah ayaa warineysa in inta badan kuraasta hoose ee garoonka inay qoyday, inkastoo Secopa ay hoos u dhigeen inta ay gaarsiisan tahay dib u dhacaan, waxaana ay sheegeen in arintaan aysan saameyn ku yeelan doonin kulamada Koobabka Adduunka ee lagu ciyaari doono sannadka soo socda.
 
Garoonka ayaa la yimid shan sanno oo ceymis ah islamarkaana shirkada dhistay ay mudadaas dayactir ku sameyn doonto cilad walba iyadoo aan qaadaneynin lacago dheeri ah, sida ay Secopa sheegtay.
 
Garoonkaan ayaa waxaa ku baxday 1.2 bilyan lacagta Brazil oo u dhiganta 310 milyan ginni. Waxaa lagu qaban doonaa lix kulan oo Koobka Adduunka ah oo ay ku jirto kulan wareega 8da ah iyo kulanka kaalinta 3aad loogu tartami doono.