Guddoomiye Jawaari oo iftiimiyey rejada laga filayo Xukuumadda soo socota

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa tilmaamay in Xukuumadda uu soo dhisi doono Raysal-wasaaraha toddobaadkii hore codka kalsoonida ka helay Golohooda Cabdiweli Sheekh Axmed looga fadhiyo inay hirgeliso mashaariic fara badan oo kala duwan, si shaqo la’aanta dalka ka taagan wax loogaga qabto.

Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in horumarka dalku uu yahay in si wada-jir ah looga wada-shaqeeyo, isla markaana waxa uu si gaar ah hoosta uga xarriiqay amniga oo uu sheegay inuu fure u yahay horumar ay Soomaaliya ku tallaabsato 22-sano oo colaado iyo fowdo ah ka dib.

“Xukuumadda cusub waxaa looga fadhiyaa inay abuurto mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay hoggaaminayaan dadweynaha Soomaaliyeed, si shaqo la’aanta haysta dhallinyarada looga baxo. Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa iyagana inay hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii amniga loo adkeyn lahaa, iyadoo laga soo billaabayo heer degmooyinka iyo heer gobollada lana gaarsiiyo illaa heer Qaran.” Sidaa ayuu yidhi Guddomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Cismaan Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in sharciga ama maqaamka ay Muqdisho yeelanayso laga howlgali doono xilliga dib u eegista lagu sameynayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in xilliaas uu ku beegan yahay sannadka soo socda ee 2014-ka.

Waxaanu Guddoomiyuhu yidhi; “Baarlamaanka federaalka Soomaaliya waa golaha sharci dajinta dalka, wuxuuna dar-dar-gelinayaa dhammaan sharuucda dalka si ummaddu ay u hesho waaya-aragnimo ku dhisan Qaran, iyadoo uu barlamaanka hadda uu wado olole lagu dhageysanayo guuxa dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Muqdisho.”

Guddoomiye Jawaari waxa uu sheegay in sannadka foodda innagu soo haya ee 2014 ay qorshaha ku jirto in loo gudbo gobollada dalka si shacabka ku nool iyagana loo dhegeysto markooda firkadaha ay qabaan, si dalkan dowladnimo uu ku gaadho.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.