Moyes Oo Sheegay In Uu Sooceshanayo Ciyaartoy Amaah Uga Maqan

Macalinka kooxa Man U David Moyes ayaa sheegay in uu doonayo in uu dib usooceshto xidigo da,yar oo hada kooxa amah kaga maqan.
moyes1-540x336
January  ayuu sheegay  Moyes in uu keeni doono wajiyo cusub kooxda United oo hada meel aan fiicneyn kaga jirta Horyaalka Premiership-ka Macalin Moyes aya sheegay in uu isku dayi doono in uu soo iibsado xidigo kubada cagta Magac kuleh balse hadii uu kuguuldareysto uu keensan doono wiilashiisa yar yar.
Jesse Lingard, Nick Powell iyo Ryan Tunnicliffe ayuu sheegay in uu keeni doono Old Traford.
Powell ayaa hada u ciyaara kooxda Wigan Athletic oo uu heshiis kumeel gaar ah kula joogo Tunnicliffe ayaa isna u ciyaara kooxda kadhisan magaaladii uu kudhashay ee Ipswich halka weerar yahan Lingard uu isna u ciyaaro kooxda Birmingham oo waqti wanaagsan uu hada kuhaysto.