Tevez: Waan Kuraaxay Sanayaa Nolosha Juventus

Xidiga kooxda juventus weerarka uga ciyaara ee Carlos Tevez ayaa sheegay in uu aad isaga badalay noloshiisii hore tan iyo markii uu bilowgii xagaagan yimid kooxda Juventus isagoo kasoodhaqaaqay dhankaa iyo England Premiership Gaar ahaan Man City.
tevez-540x359
Tevez ayaa 24 kulan oo uu kasoodhex muuqday kooxda Juventus xagaagan dhamaan kulamada oo dhan waxa uu udhaliyay 12 gool isagoona cadeeyay in uu hada kujiro waayihiisii ugu wanaagsanaa kubadiisa.
Carlos ayaa si wayn u amaanay Macalinkiisa Antonio Conte oo uu kutilmaamay hage wanaagsan. “ Waxaan hada kujiraa waayahayga Ciyaareed midkii ugu wanagsanaa waan kuraaxaysanayaa kaciyaraadida Torino Conte waa Macalin wanaagsan” sidaasi waxaa Corriere dello Sport u sheegay Tevez xidiga reer Argentine.
29-jirkaan reer Argentine ayaa sidoo kale kahadlay rajada juventus iyo saadaashiisa Serie A-da waxaana uu sheegay in Juventus ay markale hanan karto Horyaalka Balse waxa uusan meesha Kasaarin kooxda Rome oo hada dardar xoogan kusocota.