Xukuumadda oo markii ugu horreysay sheegtay inay aqbashay qabashada Doodda Qaran

Hargeysa(Berberanews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah shaaca uga qaadday inay aqbashay qabashada Shirka Doodda Qaran ee ay qaban-qaabadiisa wadeen Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI oo khamiistii inna-dhaaftay saddexda Xisbi sheegeen inay ku wareejiyeen Akaademiga nabadda iyo horumarinta, hase-yeeshee, Xisbiga KULMIYE iyo Madaxtooyadu sheegeen inaan la isla qaadin.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shalay bayaamiyay in Xukuumadda Somaliland ay oggoshahay qabashada Doodda Qaran ee Xisbiyadda Mucaaridku ku baaqeen qabashadiisa, waxaanu tilmaamay in Xukumaddu gacan ka siin doonto sidii ay talo saalix ah uga soo saari la haayeen. Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay khilaafka ka dhashay isku-shaandhaynta Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada iyo tallaabada ay Maxkamadda sare ku hakisay sharcinnimada isku-shaandhayntaas, isagoo talooyin u soo jeediyey Mudanayaasha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta oo shalay Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id oo arrimahaasi ku faah-faahinyo waxa uu ku sheegay inay Xukuumad ahaan oggol-yihiin shirkaas, isla markaana ay soo dhawaynayaan Talo Qaran. “Annagu (Xukuumadda) wada-tashi waannu oggolnahay, howsha uu gacanta ku hayay Golaha Guurtidu si fiican ayaannu u soo dhawaynaynaa, Akadamiyadda waannu soo dhawaynaynaa, waannu soo dhawaynaynaa in Xisbiyada Qaranku isu tagaan oo kawada hadlaan danaha dalka, doorashooyinka iyo danaha nabadgelyada oo Xukuumadduna gacan ka siiso wax kasta oo u fududeynaya inay talo saalaxa dhiiban.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa kale oo uu sheegay in dalka uu ka socdo horumar iyo dib-u-dhis ballaadhan, isla markaana aanay maanta jirin balaayo Qarankeenna taalla oo gurmad iyo ka soo kacaay u baahan, waxaanu yidhi; “Xukuumaddan ayaa loo doortay in ay hoggaamiso dalkan, dalkana horumar iyo dhisme ayaa ka socda, maanta ma ogi anigu balaayo Qarankeenna taal oo gurmad iyo ka soo kacaay u baahatay. Dooddani waxay noqon doontaba Akadamiyadda ayay u taallaa oo u magic-bixin doonta. Laakiin, dadka yaan lagu dawakhinin waa dood qaran waa dood ficiis ah, howl inaga inoo taala maaha, waxay u taalaa akadamiyada, golaha guurtida iyo xisbiyada qaranka ee wada hadlayay.”

“Laba Gole oo murma ma doonayno, Gole gudihiisa murmana ma jeclin, Qarankeenna had iyo jeerraale muranka waxaa lagu dhammeeyaa wadahadal, is-qancin iyo isu-tanaasul. Maxkamad ba yaanay idinka tagin’e orda oo waxaa tihiin Odoyaashii dalkan muddada dheer u soo dagaalamayay’e sidii aad ku waddeen ee quruxda badnayd ee aad saaxiibka u ahaydeen u ahaada, Xeerarkiina hoose iyo nidaamkiinna ku dhaqma oo is qanciya wax allaale wixii aad isla qaadataanna Xukuumad ahaan diyaar ayaannu u nahay.” Sidaa ayuu yidih Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiir Cukuse oo ka hadlaya muddaharaadka ka dhacay Burco oo khasaare dhismasho iyo dhaawac isugu jira sababay, waxaanu yidhi; “Waxaan tacsi u dirayaa cid kasta oo dhimasho ama dhaawac ka soo gaadhay muddaharaadyo ka dhacay Burco. Muddaharaadkaas oo sababta uu u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay aanay islahayn aad baan uga xumahay. Illaahayna waxaan ka rejeynayaa in naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu marxuunku ka bxayna samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa dhaawacmayna Illaahay ha u sahlo, waxaan ku hambalyaynayaa madaxda gobolka iyo wasiirada halkaasi joogaba howsha ay qabteen iyo duqayda, waxgaradka iyo waayeelka oo ka talinaysay nabada waxaan iyagana ku dhiirinayaa in howsha halkaa ka sii wadaan, waxaan shacbiga reer Burcona u soo jeedinaya inay nabad galayada illaaliyaan.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.