“Dhawaan magaalada Geneva ayaa la iiga yeedhay oo aan arrinta Somaliland aan ka hadlay..”Prof Samatar

Hargeysa-(Berberanews)–Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo markii labaad dalka dib ugu soo laabtay tan iyo intii uu ka noqday mowqifkiisii hore ee Soomaaliweyn, ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Prof. Axmed Ismaaciil oo maanta soo gaadhay madaarka Hargeysa, waxa soo dhaweeyey masuuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada, Wasiirrada Qorshaynta Qaranka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Wasiir-ku-xigeen Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Xildhibaanno ka kala tirsan golayaasha Wakiillada iyo Guurtida, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, Maareeyaha TV-ga Qaran, Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Waxbarashada, salaadiin, aqoonyahan iyo dadweyne kaleba.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo soo dhawayntaasi kadib qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ugu warramay warbaahinta, ayaa ka warramay socdaalkiisa iyo waxyaabaha uu Somaliland u soo faa’ideeyay muddadii dibadda kaga maqnaa, isagoo sheegay inuu ku dadaalay sidii uu beesha caalamka gaadhsiin lahaa xaqiiqada ka jirta Somaliland.

Ugu horreyn Prof. Axmed Ismaaciil ka mahadcelinayey soo dhawaynta loo sameeyey, waxa uu yidhi, “Waxa qaali igu ah magaalada caasimadda u ahayd Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa in aan mar labaad ku soo noqdo shan bilood kadib, waxaan u mahadnaqayaa wasiirrada, madaxda xafiiska Madaxtooyada Somaliland, salaadiinta iyo madaxda kale ee halkan joogta ee i soo dhawaysay, anigu dalkiisii ku soo noqday ayaan ahay ee inaad isa soo dhibtaan may ahayn. Waxaan salaamayaa dadka reer Somaliland, waxaanan leeyahay waynu is arki doonaa oo waynu is wareysan doonaa, odayaasha iyo madaxda dalkana inaanu is warreysano oo isfahamkeenu sii gun-dheeraado ayaan rejaynayaa.”

Prof. Samater oo la waydiiyey waxa uu Somaliland u soo faa’ideeyay muddada shanta bilood ah ee uu dibadda kaga maqnaa, maadaama uu hore u ballanqaaday inuu hiilkeeda ka shaqaynayo, waxaannu ku wajaabay, “Waddan iyo ummad dhan horu-socodkiisu qof iyo laba waxay qaban karaa way yartahay oo qof waliba halkiisa inuu ka dhaqaaqo weeye, laakiin shantii bilood ee aan idinka maqnaa annigu waxaan ku dadaalay oo dhul badan ayaa ka hadlay, telefiishanada Maraykanka waan ka hadlay, Madaxda Maraykanka qaarkood waan la hadlay, dhawaan magaalada Geneva ayaa la iiga yeedhay oo aan arrinta Somaliland aan ka hadlay siday uga duwan tahay waddanka intiisa kale, dadka halkan (Somaliland) ku nooli waxay yihiin iyo waxay qabsadeen oo ta ugu yari tahay dadkii qoxootiga u baxay markii ciidammadii dawladdu (Siyaad Barre) garaacayeen Hargeysa iyo Burco ee ka baxsaday cadaawaddii halkan ka taagnayd ay dib ugu soo noqdeen dalkoodii oo dib isdhexgal loo sameeyey, taasi weli kamay dhicin Koonfurta Soomaaliya, markaa waxyaabo badan oo u gooni ah dadka reer Somaliland taariikhiyan ha noqoto ama siday maanta yihiin ayaan isku dayayaa inaan adduunyada gaadhsiiyo oo dhul badan aan ka hadlo ama wax badana aan ka qoro, in badana waad dhageysateen ayaan filayaa doodo badan, markaa is xil-qaanka aan is xilqaamay wuxuu noqday in aan safiir bilaash ah u noqdo Jamhuuriyadda Somaliland.”

Mar kale waxa la su’aalay inuu qabanayo haddii Madaxweyne Siilaanyo xil u magacaabo, waxa uu si kooban u yidhi, “Su’aashaa Madaxwaynaha ayaad weydiinaysaa.”

Ugu dambayntii, waxa kale oo la waydiiyey inuu wax hunguri ahi kaga jiro siyaasadda Somaliland, waxaannu yidhi, “Hunguriga ugu weyn ee i hayaa waa inaan waddankii aan ummadda ka maqnaa ummadeydii iyo dadkaygii sii barto.

Berberanews.com

info@berberanews.com