Gaadiiddleyda Booyadaha Biyaha UDhaamin jiray Hargeaysa Oo Shaqo Joojin Ku Dhawaaqay Iyo Sababaha Cabashadooda

Hargeysa(beberanews) Mudaharaadyo balaadhan  oo ay sameeyeen Booyadaha Biyaha u dhaamiya Caasimadda ayaa Mudaharaad Salmi ah ka sameeyay agagaarka Hudheelka Crown ee galbeedka iyo bariga huteelka shiraaqle Caasimadda Hargeysa.
Booyadaha-300x225
Booyadaha biyaha ayaa ka cabanaya Korodhin lagu sameeyay cashuurta biyaha laga qaado, taasoo ay ku andacoonayaan inaanay qaadi Karin.
 
wararka ayaa sheegay inay halkaasi isugu tageen in ku dhaw boqol aal gaadhi oo Booyado ah oo cabashada samaynaya, kuwaasoo ku doodaya inaanay dibad baxa joojin ilaa laga dhimo cashuurta qarul macquulka ah ee lagu soo rogay.
 
Booyadleyaasha oo qaarkood Warbaahinta la hadleen, ayaa sheegay in Cashuurta markii hore laga qaadi jiray lacag dhan 80,000 Shls, haatana lagu soo roogay afar boqol oo kun (400,000) Shls.
 
“Biyooleyaashu waxay leeyihiin annagu biyaha waanu ku qaaliyayn karnaa Macaamiisha, laakiinse waxaanu doonaynaa inaanaan taas ku kicin ee aanu ka cabano cashuurta xad dhaafka ah”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Wariye ku sugan goobta mudaharaadku ka dhacay.
vvvv-300x225
Booyaddaha ayaa inta badan Biyaha u dhaamiya Dadweynaha ku dhaqan Xaafaddaha Magaalada intoodan oo aan biyo helin.
waxaanay cabashadoodu saamaynaysaa boqolkiiba Sideetan ka mid ah Xaafadda magaalada ee Biyaha ay waraabiyaan.
 
Dibad baxyada kala ujeedooyinkan ayaa ku soo beegmay saddex maalmood ka dib markii mudaharaadyo ka dhacay magaalada labaad ee somalilannd ee Burco  ay isu bedeleen rabshado khasaare naf iyo Maalba isugu jirta.
 
Mudaharaadkaasi oo dadkii ku dhintay maanta lagu aasayo Magaalada Burco, ayaa waxa mataaneeyay mid kale oo isla maalintaasi ka dhacay magaalada Berbera, kaasoo  wali guuxiisu ku jira Magaalada Xeebta.
 
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha cabashooyinkan kala duwan ee sababay mudaharaadyada, hase ahaatee tani waxay calaamad u tahay xaalado amaan daro iyo debecsanaan sababi kara, kuwaasoo la moodo inaanay xukuumaddu dan ka lahayn ee ay dab ku sii shidayso.