Guddidii Qaadhaan Ururinta Waddada Ceerigaabo Oo Maanta Lagu Doo Dhaweeyay Madaarka Diyaaradaha Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (berberanews) – Waxa Maanta Magaalada Hargeysa ku soo laabtay Gudidii qaadhan ururinta Waddada Ceerigaabo iyo Burco oo ka koobnaa 4 xubnood oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) iyo xubno kale, kuwaasi oo muddo bil iyo dheeraad ah ku maqnaa dalka Dibaddiisa.
Soo-dhaweyn-4
Weftiga  ayaa saaka subaxnimadii lagu soo dhaweeyey  madaarka diyaaradaha ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ahna Gudoomiyaha Gudidada Qaadhaan ururinta waddada Ceerigaabo, iyo Gudoomiye ku xigeenka Gudida Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyaanle oo ay wehelinayeen Xildhibaan Nacnac, Maareeyaha Television ka qaranka iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiintan oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa saxaafadda kula hadlay ayaa ka waramay hawlaha ay soo qabteen ee la xidhiidha qaadhaan ururinta dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco, waxayna sheegeen in hawlihii ay ku maqnaayeen ay si wanaagsan ugu soo dhamaadeen
Soo-dhaweynta-2Soo-dhaweyn-3