Hailemariam Iyo Uhuru Kenyatta oo Booqasho Lama Filaan Ah Ku Tagay Magaalada Jubba

Juba(berberanews) Madaxweynaha dowlada Kenya Uhuru Kenyata iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam desilgn ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tegay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan.

 Labada dal ayaa deris la ah dalka koonfurta Suudaan waxayna ku dedaalayaan sidii loo damin lahaa xiisadaha dagaal ee dalkaasi ka jira si amaanka xuduudaha dalalkooda uusan u saameynin.

Hogaamiyeyaashan ayaa lagu wadaa iney kulamo la qaataan madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salvakiir iyagoo kala hadlaya sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda dalkaa oo kumanaan ruux ay ku dhinteen.

Dagaalka ka socda dalka Koonfurta Suudaan ayaa wuxuu u dhexeeyaan ciidammo daacad u ah madaxweynaha dalkaas Salva Kiir, iyo malleeshiyo hubeysan oo ay ku jiraan ciidammo oo iyaguna daacad u ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar.

Labada masuul ayaa isla ogolaaday mabda ahaan iney wada hadlaan hase ahaatee dowlada ayaa ku gacan seyrtay shuruudo hogaamiyaha mucaaradku ku xiray wadahadalka oo ahaa in la sii daayo marka hore saraakiil dowlada u xirxiran oo lagu eedeeyey iney wax ka abaabuleen afgembi dhicisoobay.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka IGAD, Maraykanka iyo madaxda dalalka geeska Afrika ayaa wada dadaallo caalami ah oo ku aaddan sidii xiisadda ka taagan dalkaas loo qaboojin lahaa.

Berberanews.com

info@berberanews.com