Hargeaysa: Mudaaharaad Dadweyne Ka Gadoodsan Biyo La,aanta Oo Kala Xidhay Waddooyin Mihiin ah

Hargeaysa (berbernews) Dadweyne ka Gadoodsan biyo la’aan soo food saartay xaafadaha Hargeysa intooda badan ayaa ka bilaabmay xaafadda Star ee koonfurta Hargeysa, halkaas oo taayiro iyo dhagaxaan lagu gooyay Jidkii madaarka.
banaanbax
Qaylo dhaan xoogan ayaa durba ka soo yeedhaysa dhamaan daamaha Caasimadda Hargeysa, maalin ka dib markii Booyadaha Biyaha Magaalada u dhaamiyaa Shaqo joojin ku dhaqaaqeen.
 
Booyadaha ayaa ka cabanaya Cashuur dheeraad ah oo xukuumaddu sanadkan ku soo rogtay Gaadiidka kala duwan ee dadweynaha, taasoo baabuurta waaweyn lagu kordhiyay lacag 300,000 shls gaadhaysa oo loogu talo galay horumarinta Waddooyinka.
 
.banaanbax2
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha Xaaladan ka dhalatay cabashada gaadiidleyda iyo haraadka dadka ku habsaday, hase ahaatee Xukuumadda ayaa xoog ku soo qabqabatay qaar ka mid ah Biyooleyaasha mudaharaadka ku jira, kuwaasoo lagu khasbay inay biyo soo dhaamiyaan.
 
“afar Booyadood oo ka mid ah kuwii shaqo joojinta sameeyay ayaa la soo qabqabtay , waxaana lagu khasbay inay Biyaha dadka u dhaamiyaan, laakiinse dee afartaa booyadood maaha kuwo ku filan baahida taala, bilayskaana ka soo qabqabtay halkii ay shalay dhigeen”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Waxgaradka Xaafadda Calaamadaha ee Magaalada Hargeysa oo ka mid ah meelaha ugu daran biyo la’aanta.
 
Dhinaca kale, Nin Axmed magaciisa ku soo gaabiyay oo ku sugan agagaarka Hudheelka Star ee isla xaafadaasi ayaa Warbaahinta qaar sheegay in goor dhaweyd Bilaysku kala dareeriyay dad weyne isugu soo uruuray jidka oo isku dayay inay bilaabaan Mudaharaad, kuwaasoo ka cabanaya biyo la’aanta.
 
Dhamaan Xaafadda Koonfurta,Bariga iyo Galbeedka eek a fog fog Suuqa iyo meelaha qasabadaha biyuhu gaadheen, ayaa cabashada biyo la’aantu saacad saacad cirka isugu shareeraysaa, ka dib markii ay dadku waayeen Booyadihii ay biyha ka shuban jireen.