Dawlada Koonfurta Sudaan oo ogolaatay in wadahadal lagu soo afjaro Khilaafka Xoogan ee ka taagan wadankaasi

Juba (berberanews) Dowladda Koofurta Sudan ayaa aqbashay xabad joojin dalka ka dhaqan gasha, kadib dagaalo lagu hoobtay oo maalmihii u dambeeyay ka dhacayeen gobolada dalkaas.
download (5)
Xabad Joojintan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxda urur Goboleedka IGAD oo shalay shir aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Nairobi ay ku baaqee in xaalada la dejiyo xabad joojin la gaaro.
Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Koonfurta Sudan Mwien Makol Arik ayaa sheegay xabad joojinta ay dowladda ku dhawaaqday ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geli doonto.
Mr Arik ayaa sheegay in Reik Machar oo ah Madaxweyne kuxigeenkii hore Koofurta Sudan oo ah inka ay sida weyn isku hayaan Madaxweyne Salva Kiir uu heysto saddex maalmood uu kaga soo jawaabo xabad joojinta.
Riek Machar ayaa sheegey in xabad joojin kasta oo la doonayo in la dhaqangeliyo, ay khasab tahay inay noqoto mid dhab ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana noqota mid dusha laga eegayo.
Urur Goboleedka IGAD ayaa wada dadaalo xoogan oo ay ku joojinayaan dagaalada ka socda Koofurta Sudan kaasoo galay labo todobaad, waxaana ku dhintay in ka badan kun ruux.
Dagaaladan oo 15-kii bishan ka bilowday caasimada Juba, kadib afgambi fashilmay ayaa ku fiday gobolada dalka, waxaana Milateriga dalkaas uu noqday mid kala qeybsamay, markii dagaalada ay isu rogeen mid isirka ku saleysan.
berbernews-Disk