Mudaaharaadyo Maalintii Labaad Ka Dhacaya Maggaalada Hargeaysa iyo Tirada Dhaawaca Dadka Oo Maraya Inta La,ogyahay 3-Ruux

Hargeysa (berberanews)-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacmay Mudaharaad balaadhan oo ka socda Xaafadaha Bariga iyo Galbeedka Caasimadda Hargeys.
DSC03675-300x225
Ciidanka Bilayska ayaa rasaas u adeegsaday dibaxayaasha oo xidhay Jid isku xidha Madaarka iyo Suuqa weyn ee Magaalada.
 
Mudaharaadeyaasha ayaa dhagax iyo Taayir ku gubaya  Waddooyinka, waxaanay ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan dawladda.
 
Dadka dhaawacmay ayaa ah dhalinyaro ka mid ah dadka mudahaaradaya iyo kuwo Xabad seeraro ahi meelo fog fog ugu tagtay.
 
Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran –cadde ayaa isku dayay inuu dejiyo dadkaasi, hase ahaatee ku guul daraystay.
Wasiirka ayaa socod ka soo bilaabay Hudheelka Star ilaa Isgoyska Total oo qiiq iyo Olol cirka isku shareeray ka socdo, isla markaana Bilayska iyo Dadka Xabad iyo dhagax isdhaafsanayaan.
DSC03664-300x225
Dibadbaxayada ayaa salka ku haya biyo la’aan labadii maalmood ee ugu dambeeyay Magaalada ku habsatay, ka dib markii ay Booyadaha biyaha dhaamiyaa shaqo joojin sameeyeen.Booyadaha ayaa ka cabanaya cashuur lagu kordhiyay Gaadiidka,taasoo xukuumaddu maanta xal ku meel gaadh ah ka gaadhay.
DSC03664-300x225
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddi ay Booyadleyaashu leeyihiin ayaa isku afgartay in la dhegeysto cabashadooda, isla markaana ilaa inta xal laga gaadhayo ay shaqada sii wadaan.
 
Is afgaradka dhex maray labada dhinac ayaa sababay in boqolaal Booyadood laga soo dhaqaajiyo barxad ku taala Bariga Caasimadda oo ay dhigteen.
 
DSC03651-300x225
Mudaharaadka ayaa u muuqda mid aan damayn, isla markaana sii xoogaysanaya.
Dadka ayaa u badan dhalin yaro aad u da’ yar.
berberanews-Disk