Guddoomiye Cirro oo Guddi u saaray kiis Xukuumadda Siilaanyo ku fashilantay wax-ka qabashadiisa

Hargeysa(Berberanews):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii ugu horreysay maanta Guddi u saaray kiis Xukuumadda Siilaanyo ku fashilantay wax-ka-qabashadiisa, kaasoo ahaa isku day dil oo uu bil iyo dheeraad ka hor ka badbaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Mudaneyaasha Golahaas.

lll

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Xildhibaannada Xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Saaxil, ayaa bil iyo badh ka hor ka badbaaday isku day dil oo Rasaas lagula beegsaday Xaafadda Jigjiga-yar ee magaalada Hargeysa, taasoo uu kula kacay nin ka tirsanaan jiray Ciidammada Booliska Somaliland, kaasoo markii dambe inta la xidhay, haddana la sheegay in Wasiir Ku-xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha guduhu dammaanad ku sii-daayey, inkasta oo haddana la sheegay in gadaal laga soo xidhay.

READ MORE.