Heshiis hordhac ah oo laga gaadhay Shaqo-joojin ay sameeyeen Booyadaha Biyaha u dhaamiya Hargeysa

Hargeysa(Berberanews):- Gaadiidlayda Booyadaha biyaha u dhaamiya qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa, ayaa ka noqday muddaharaad shaqo-joojin ah oo ay wadeen muddo saddex maalmood ah kadib markii ay ka cawdeen cashuur lagu kordhiyey.

Wadahadal dhexmaray ganacsatada Booyadlayda Biyaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco iyo Maareeyaha Wakaallada Biyaha Ibraahim Siyaad, ayaa lagu gaadhay heshiis dejiyey xaaladda oo oo booyaduhu shaqadoodii dib ugu bilaabeen.

Guddi metalaysay boodlayda ayaa Wasiirka Daakhiliga iyo masuuliyiinta wehelinaysay u gudbiyey cabashooda oo ku saabsan cashuur dheeraad ah oo lagu soo rogay, taas oo ay sheegeen in markii hore laga qaadi jiray 75 kun oo shillin lixdii biloodba, balse iminka lagu sharciyeeyey inay bixiyaan 4,18000 shillin (afar boqol iyo sideed iyo toban kun), taas oo ay ka garaabeen masuuliyiintu kadib ayaa lagu heshiiyey in wadahadal lagu dhammeeyo cabashadan, balse inta ka horreysa ay booyadlaydu dib ugu laabtaan shaqadooda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo heshiiskaasi kadib dirawallada booyadlayda kula hadlay goobo gaadiidkooda ay ku xareeyeen, isagoo ay wehelinayeen guddiga booyadlaydu, ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan cabashadooda.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaan idiin soo jeedinayaa oo aannu odayaashiina (guddiga) ku wahadalnay cabashadiina waanu eegaynaa oo wixii wax ka qabasho leh wax baanu ka qabanaynaa, laba gudi baanu ku heshiinay in aannu iska soo saarno, mid ka kooban Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda iyo gudi qoladiinan booyadlayda ah, kadibna la isla eego wixii dhib ah ee jira, waxaanay keeni doontaa inay khayr ku dhammaato Isha Allaah hawlaha meesha yaal.”

“Waxase meesha yaal, dadkeennu haddii uu sidan ku sii jiro oo aynu waraabin wayno dawladda iyo qolyaheennan booyadaha leh dhib badan baa ka imin karta. Markaa waxaan idin leeyahay hawlaheenna innagoo degan ayeynu ka wadahadalnaynaa ee idinkana waxaannu idinka codsanaynaa inaad booyadihii dhaqaajisaan oo aad dadkiinnii waraabiseen,” ayuu yidhi Md. Warancadde.

Markaasi kadibna waxa ganacsatada booyadlaydu bilaabeen shaqadoodii biyo dhaamiska xaafadaha aanay biyaha dawladdu gaadhin.

 Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.