Khasaaraha Dhimashada iyo dhaawaca Qarax weyn ii Gilgilay magaalada Volgograd ee Ruushka

Moscow-(Berberanews)-Qarax ayaa ka dhacay xarun laga raaco tareen magaalada Volgograd ee Ruushka. Warfaafinta Ruushka ayaa sheegaysa in ugu yaraan saddex iyo toban qof ay dhinteen, dad kaloo badana ay dhaawacmeen.

Gudiga ka hortaga argagixisada ayaa sheegaya, in qaraxa loo malaynayo inuu sababay qof dumar ah oo isqarxisay. Bishii Octobar, qof dumar ah oo is qarxisay oo ka timid Dagestan, ayaa ku dishay lix qof bas markii ay isku qarxisay magaalada.

rusia

Masuuliyiinta ayaa ka wal walsan in mintidiinta ay kordhiyaan weerar, inta laga gaarayo ciyaaraha Olymbiga ee 2014 ee ka dhacaya magaalada Sochi.

Qaraxa maanta ayaa dhacay 12:45, isagoo jabiyay muraayadihii, qiiqna ay ka soo baxeen dhismaha. Ambalaasta ayaa kula carartay dadka dhaawaca isbitaalka.

Jimcihii ayaa qarax baabuur uu dilay saddex qof magaalada Pyatigorsk.

Mintidiinta islaamiyiinta ee waqooiga gobolka Caucasus ayaa sameeyay weeraro badan sanadihii la soo dhaafay. Waxay kaloo weerareen magaalooyin waawayn ee Ruushka.

Volgograd ayaa ku taal 900km koonfurta Moscow, 650km waqooyiga Caucasus iyo 700km waqooyi bari magaalada Sochi.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku amray hayadaha ammaanka inay qaadaan talaabo walba oo lagu adkaynayo ammaanka, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada.

Ammaanka ayaa la adkayn doonaa xarumaha tareenada, garoonada diyaaradaha, sida uu sheegay afhayeenka boliiska.

Sources, BBC