Madaxweynaha Somaliland oo dhugtay tabashada dhallinyarada Beelaha Haybsooca Tirsada ee Gabbooye

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirka Madaxtooyada, ayaa kulan la yeeshay Dhalinyarada Beesha Habayb-sooca tirsata Gabooye iyo Guddiga Akaademiga waxbarashada ee Beeshaas.

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed qoraal ah oo galabta ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, Madaxweynaha iyo Xubnaha uu la kulmay waxay ka wadahadleen kor u qaadista waxbarashada ee Beesha Gabooye iyo arrimo kale. Waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabbilay dhalinyarada Beesha Gabooye oo ay hoggaaminayeen Guddiga Akadamiga (Academy)-ga horumarka, iyo waxbarashada ee Beeshaasi.kulanka

Kulankan oo u jeeddadiisu ahayd sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha  waxbarasho ee lagu horumarinayo Beeshaas, ayaa ugu horrayn waxa uu Madaxweynuhu xog-warran kaga dhegaystay xubno ka mid ah Guddida Akadamiga horumarka iyo waxbarashada oo tibaaxay dedaalkooda ku saabsan sidiii beeshooda looga horumarin lahaa aqoonta iyo waxbarashada.

Waxaanay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ka codsadeen inay gacan ku siiyaan dedaalkoodaasi oo aan iyaga la’aantood midho dhal noqon Karin.

Sidoo kale xubnahaasi ka kala socday aqoon yahanka, dhalin yarada iyo ardayda jaamacadaha ee beesha gabooye oo ay wehelinayeen xubnaha gudida akadamiga horumarka iyo waxbarashada, waxa kale oo ay ka xogwarameen in beeshooda oo ka mid ah beelaha Somaliland ay haatan halgan ugu jiraan sidii ay beelaha kale ee Somaliland ay ugala mid noqon lahaayeen dhinacyada aqoonta iyo horumarka kale ee bulshada.

Ugu danbayna waxa ay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba uga mahadnaqeen sida ay goor iyo ayaanba ula barbartaagan  tahay wax kasta oo ay u arkaan in lagu horumarinaayo beeshooda, waxaanay si gaar ah uga mahad-celiyeen madaxweyne Silaanyo, oo ay u arkaan in uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee hiil iyo hooba la barbar istaaga beeshooda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo kulankan ka hadlay ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey dhalin yarada beesha gabooye, waxaanu tilmaamay in ka madaxweyne ahaan ay u siman yihiin beelaha Somaliland isla markaana uu xil iyo waajib mid ahi ka wada saaran yahay horumarkooda iyo wada jirkoodaba.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in uu xil gaar ah ka saaran yahay cid kasta oo loo arko in ay dib uga dhaceen dhinacyada horumarka iyo waxbarashadaba, taasi oo uu tilmaamay in beesha gabooyena dhegaysto baahiyahooda, isla markaana xukuumad ahaan waxa kasta oo suura gal ah ay wax ugala qabandoonto.

Kulankaasi waxa Madaxweynaha ku wehelinayey, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxamaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, La taliyaha Madaxweynaha ee beelaha la hayb sooco, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi.”