Harageysa (Berberabews) – Professor Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa khudbad qiimo badan ka jeediyey galabta Jaamacdda Admas University College qaybteeda caasimadda Hargeysa Somaliland ee Hargeysa.
Madasha uu aqoonyahanku khudbadda ka jeediyey oo ahayd qaybta u way nee jaamacadda Admas oo aad loo agaasimay, ayaa ugu horreyn wax aka hadlay Madaxweynaha Jaamacadda Admas Profeesor Ixsaan Cumar oo sheegay inaanay ahayn markii ugu horreysay ee uu Prof. Samatar khudbad noocan oo kale ah ka jeediyo jaamacaddan, isla markaana ay ka Jaamacad ahaan, maamul iyo macalimiinba u mahadcelinayaan booqashadan qiimaha leh ee taariikhiga ah ee uu ku soo sharfay hadda iyo horayba Jaamacadda Admas.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ciwaanka khudbaddiisu ahayd horumarka dadka iyo dalka (development of the people and the country), waxa uu si waafi ah ugaga warramay horumarka iyo siyaabaha uu ku yimaado horumarku.
“Horumarka dalka, haddii aad maqashaan dalkaasi wuu horumaray waxa horumarsan dadkiisa oo leh aqoon iyo isku duuni ay daacadnimo ku dheehan tahay,” ayuu yidhi Prof. Samatar.
Waxaannu horumarka ku tilmaamay waxaan dhammaan, isla markaan aan lahayn meel uu ku dhammaado, balse ay tahay uun inuu socdo inta uu dalkaa dadkiisu jiro, waxaannu yidhi, “horumarku waxa uu leeyahay meel uu ka bilowwda ee malaha meel uu ku dhamaado.” Waxaannu tusaale u soo qaatay dalka Maraykanka oo ah kan dunida ugu dhaqaalaha badani inuu weli ku mashquulsan yahay sidii uu sare ugu qaadi lahaa horumarka baaxadda leh ee ka jira dalkiisa “Maantadaa aan idinla hadlayo ee aan ka hadlayno horumarka, dalka Maraykanka waxa laga doodayaa sidii sare loogu qaadi lahaa horumarka dalka.”
“Dalka marka la doonayo in la horumariyo waa in dadkiisu midaysan yihiin, isla markaana ay aaminsan yihiin inay wax-ka-wada dhexeeyaan oo dalka iyo dadka ay wada leeyihiin. Sidoo kalena, dalna horumar ma gaadhi karo haddii aanay dadkiisu aqoon lahayn oo caalamka la tartami karin,” ayuu yidhi Prof. Samatar.
Boqolaal arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadda Admas oo si qurux badan u fadhiyey madasha ayaa sacabka u tumayey marka uu Prof. Samatar carrabka la helo erayba erayga uu ka xiisaha badnaa khudbadiisa la yaabka lahayd ee uu halkaas ka jeediyey galabta.
Waxaannu halkaasi ka majiirtay arayda Jaamacadda Admas, isagoo yidhi, “Horta intiinaa isoo horfadhida (ardayda Jaamacadda Admas) waan idin caashaqsanahay, waxaan idinku caashaqsanahayna waa aqoonta, edabta iyo anshaxa suubban ee iiga kiin muuqda. Ardaydiinaa reer Admas waxa iiga kiin muuqa mustaqbalkii dalka iyo dadka inaad tihiin kuwii soo celin lahaa ee beddeli lahaa siyaasiyiinta maanta ee meelahaa qaadka la fadhiya.”
“Aqoonyahanka marka aan leeyahay waxaan u jeedaa inaan is fahano aniga iyo gabadhaa quruxda badan ee isoo hor fadhidaa. Haddii aydaan isfahmi karin adiga iyo dadka aad la hadlaysaa dee aqoontaadu meelna ma gaadhsiisna horumarkoodana kama shaqayn kartid,” ayuu hadalkiisa raaciyey Prof. Samatar.
Waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland ka jirto rajo fiican oo qayb ka ah waxyaabaha dalkiisa hooyo dib ugu soo celiyey, waxaannu yidhi, “Waxaan leenahay dal iyo dad fiican, waana tan igu soo kiin celinaysa ee haddii aydaan fiicnayn idinkumaan soo noqdeen, waayo Maraykan baan iska joogay oo waan dharagsanaa ee maxaan isaga joogi waayey Maraykan-kaygii?”
Prof. Axmed Ismaaciil oo khudbadiisa ku dheeraaday sharraxaada horumarka, isla markaana wax badan ardayda u hogo-tusaaleeyey siyaabaha lagu gaadhi karo horumar dal kadib ayaa gunnaanadkii halkaasi ardaydu ku waydiiyeen dhawr su’aalood oo la xidhiidhay mowduucan.
“Marka hore waa in idinka wax laydingaliyaa oo laydinku tabcaa kadibna aad idinkuna markaa kadib dalka iyo dadkaba wax gashataan oo aad soo guddaan abaalkii laydiin galay” ayuu yidhi Prof. Samatar oo ka jawaabayey sida dalka lagu gaadhsiin karo horumar.
Su’aal kale oo ahayd ‘ma kula tahay in Somaliland iska dayso aqoonsiga ay ku wareersan tahay oo xagga horumarka iyo wax-soo-saarka ma u leexanaa? Waxa uu ku jawaabay “Haa oo maya, waayo markii aynaan dalka imanayey waxay lahaayeen Samatar baa aqoonsigii keenaya, sideen ku keeni karaa anigu maanigaa keeni kara. Waa muhiin oo sidaa aad tidhi baan kugu raacsanahay inaynu u leexano xagga wax-soo-saarka iyo horumarka, balse waa lagama maarmaan in aynu caalamka kalana la xidhano oo aynu calaaqaad la yeelanaa.”
Mar la waydiiyey ‘waxa jira caqabado fara badan oo horyaal dadka doonaya inay dalka maalgashadaan ee ganacsatada ah, tusaale ahaan hadday damcaan inay meel warshad ka dhisaan waxa markiiba ka horimanaya oday dhaqameed iyo qabiilkoodii oo wada socda oo leh meeshan reer hebal baa iska leh ee ka leexda, markaa cabaqadaha noocan oo kale ah sideebaan kaga gudbi karaa?’
“Haddii aad doonayso inay dadku qabyaalada daayaan adigu marka hore waa inaad naftaada ka bilowdaa oo aad bahashaa foosha xun ee ay la roorayaan iga leexiya ku tidhaadaa kuwa aad isku reerka tihiin,” ayuu ku jawaabay, kuna soo ururiyey hadalkiisa Prof. Axmed Ismaaciil Samarat.