Askar lagu laayay Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ayaa ku dhimtay ka dib markii lala beegsaday qarax goob Kaantarool oo ay ku suganyihiin ciidammada dawladda Degmada Kaaraan, gaar ahaan Ceelka Cali Geedi.

Qaraxan oo ka dhashay miinooyinka dhulka hoostiis alagu aaso,ayaa wararku waxay sheegayaan inuu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidammada .

Miinoyinkan ayaa la sheegay in xili habeenimo ah bartaas control loogu aasay ciidamada oo halkaas joogi jiray oo kaliya xiliga maalintii ah si ay lacago baad ah uga qaataan gaadiid halkaas mara, iyagoo casar gaabadkiina isaga hoyaadi jiray.
Ma jiro war ku saabsan qaraxyadan oo ka soo baxay mamaulka degmada Kaaraan, waxayna ku soo aadayaan xalay fiidnimadii bam gacmeed lagu weeraray hoy uu degmadaas ka degan yahay gudoomiye ku-xigeenka degmada dayniile, kaasoo dhaawacyo ay ka soo gaareen ilaaladiisa.

Berberanews.com

info@berberanews.com