Boliiska dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay saddex weriye oo la shaqeeya TV-ga Qadar laga leeyahay ee Al-Jazeera.

Boliiska dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay saddex weriye oo la shaqeeya TV-ga Qadar laga leeyahay ee Al-Jazeera.Weriyayaasha waxaa ka mid ah madaxa xafiiska Al-Jazeera ee Qaahira, Maxamad Fadil Fahmi, iyo Peter Greste, oo horey ula shaqeyn jiray BBC-da.
 131128143802_egypt_512x288_reuters
Dowladda Masar ayaa sheegtay in weriyayaasha la xidhay ay shir sharci darro ah la yeesheen xubno ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo dalkaas laga mamanuucay.
Toddobaadkii tegay ayay dowladda Masar ku dhawaaqday in Ikhwaanul Muslimiinku yahay urur argegixiso.
Militeriga Masar ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii Islaamiga ee ay taageersanayeen Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Mursi.
 
Tan iyo xilligaas, dowladda ay teegeeraan militeriga ee dalka Masar, ayaa billawday olole lagu xidhxidhayay madaxda iyo xubnaha ururka Ikhwaanul Muslimiinka.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa sheegtay in TV-ga Al-Jazeera uu tebinayay warar dhawaacayo amniga qowmiga ee dalkaas
Dowladda Masar ayaa  ku eedeeysay TV-ga Al-Jazeera in uu waday hawlo kicin ah oo ay ku kicinayaan dadka reer masar
Dadka wax indhaindheeya ayaa sheegay in xaaladda warbaahinta dalkaas ay ahayd mid kacsan tan iyo markii xukunka laga tuuray Mursi
131230015102_al_jazeera__512x288_afp_nocredit
berberanews–Disk