Faafaahin kasoo baxaysa qarax ka dhacay xerada Dhagaxley ee Kenya

Kenya-(Berberanews)Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in qarax miino oo lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan dawlada Kenya oo marayay xerada Dhagaxley oo ka mid ah xeryaha ay degen yihiin qaxootiga Soomaaliyeed.

qarax3

Wararku waxay sheegayaan in hal askari uu ku geeriyooday mid kalena uu ku dhaawacmay qaraxaas oo saraakiisha amaanku sheegeen inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramaysa in qaraxu uu haleeyay gaadhi ay saarnaayeen ciidamo ilaalo u ahaa gaadiid ay leedahay hay’adda Care International oo shidaal u waday xerada waxaana gabi ahaanba bur buray gaadhiga uu qaraxu haleelay.

Sargaal aan magaciisa sheegin oo ka tirsan ciidamada in ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu ka dhashay miino dhulka lagu sii aasay waxaana uu ka dhacay albaabka hore ee xerada Dhagaxley.

Howlgalo ay ciidamada Kenya ka sameeyeen xerada Dhagaxley ayaa la sheegay inay dad badan oo Soomaaliyeed ku qab qabteen.

M,a jirto willi cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas hase ahaatee Al-Shabab ayaa dhawr jeer qaraxyo ka geysatay wadankaasi Kenya.

berberanews-Disk