Maamul-xumo ka Jirta Wasaaradda Daakhiliga oo sababtay in masuul kastaa jeebka ku qaato shaambad Wasaaraddu leedahay

Hargeysa-(Berberanews)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaantay qoraal lagu kala xadeeyey degaannada woqooyiga Hargeysa oo 21 December 2013 ka soo baxday Agaasime-waaxeedka wasaaradda u qaabilsan maamulka gobollada iyo degmooyinka.

Wargeyska Jamhuuriya, ayaa Jimcihii toddobaadkan baahiyey qoraalka Agaasimaha Waaxda Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Daakhiliga Mr. Maxamed Cali Maxamed, kaas oo uu ku amray degaanno badan oo maamul ahaan hore u hoostagi jiray degmada Daarasalaam ee woqooyiga Hargeysa la hoos-geeyey degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, isla markaana ku sheegay inay Daarasalaan maamul ahaan dhaafi karin meesha la yidhaa Foodka.

Agaasimaha-Daakhiliga

Haseyeeshee, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mr. Cabdisamad Cumar Maal, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey shalay inay sharci-darro tahay warqaddaas ka soo baxday masuulka ka tirsan wasaaraddiisa.

“Way jirtaa warqaddaasi uu qoray agaasime-waaxeedka ka tirsan wasaaraddu, taasoo uu ku kala xadaynayo degmooyinka woqooyiga Hargeysa. Warqaddaasi waa sharci-darro gabi ahaanba, dalkuna wuxuu leeyahay sharci iyo nidaam, iyadoo shuruucdu qeexayaan habka ay gobollada iyo degmooyinka dalku u dhisnaanayaan.  Degmooyinka darajadoodu tahay (D) inta qiimayntooda la gaadhayo awoodda Wasaaradda Arrimaha Gudaha may ahayn inay tidhaahdo gobol hebel iyo degmo heblaayo xuduudkeedu waa halkaas tidhaa,” ayuu yidhi Mr. Maal.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay wasaaraddiisu awood u lahayn kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalka, isagoo tilmaamay in arrintaasi tahay mid ay sharci u leeyihiin baarlamaanka Somaliland.

“Xuduudaha gobollada iyo degmooyinka dalka waxa deyiya waa golaha sharci-dajinta oo baarlamaanka ayaana awood u leh inuu xuduudaha gobollada wax ka beddelo, waxna ku daro, xukuumadduna awood uma laha, agaasime-waaxeedna hadalkiisaba iska dhaaf.

Qoraalkaas (warqadda Agaasimaha Waaxda Gobollad iyo Degmooyinku ku kala xadeeyey degaannada woqooyiga Hargeysa) si nidaam-darro ah ayuu uga soo baxay wasaaradda, wuxuuna ahaa sharci-darro, markaa haddii uu sharci-darro yahay wax saamayn ah oo uu yeelanayaa ma jirto, waxayna arrintaasi dhacday intii Wasiirka Daakhiligu ku maqnaa safarkiisii uu ku tagay dalalka Yurub.”

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Daakhiliga ayaa caddeeyey nuu xafiiska kula wareegay nidaam xumo sababtay in masuul kasta oo wasaaraddiisa ka tirsan uu jeebka ku sito shaambad, “Waxa kale oo sharci-darro ah oo jirta Agaasime-waaxeed shaambad haysta, arrintaasina waxay ka mid tahay waxyaabaha aan wasaaradda ugu immi markii aan xilka la wareegay. Qof kastaa shaambad ayuu jeebka ku haystaa. Qoraallada soo baxayaa wax aarkiifiyo ah ma laha, markaa waxaas oo dhan waxaannu dejinnay nidaamkii laga sixi lahaa, waanuna ballanqaadaynaa in aannu wax ka qabanno. Waraaqaha saxeexan ee wasaaradda ka soo baxa cid baa iska leh oo awood u leh, mana dhici doonto in shaambad uu qof iska sito oo ciddii uu doono ee wax ula tagta ugu shaambadeeyo, waxaasina waa wax qawaaniinta ka baxsan, waana nidaam xumo ka jirta wasaaradda oo aannu sixi doonno,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Agaasime Cabdisamad Maal.

Berberanews.com

info@berberanews.com