Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukuntay Laba Nin Oo Lagu Qabtay Khamri

Hargeysa (berbernews) – Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa xukunno kala duwan ku riday laba nin oo lagu eedeeyey inay dalka soo galiyeen Maandooriyaha loo yaqaano Khamriga.
download
Gudoomiyaha maxkamadda Gobolka Hargeysa, Ibraahim Cismaan Axmed (Ibraahim Fanax) ayaa sheegay in labadaasi nin ee loo qabtay Khamriga lagu helay dambiga ah inay Khamri dalka soo galinayeen, isla-markaana ay ku xukumeen min saddex sanadood oo xadhig ah iyo saddex milyan oo lacagta Somaliland ah oo ganaax ah.
 
Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in raggan lagu qabtay  33 Jirikaan oo ah Nooca 30-ka litir qaada ah oo dhammaantood Khamri ka buuxo.
 
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka ee xukunkan ridday ayaa Magacyada dadka la xukumay ku kala sheegay  Iid Maxamed Xasan oo da’diisu tahay 35 jir iyo Maxamed Buux Haybe oo isaguna da’diisu tahay 35 jir.
 
Ciidamada booliska oo raggan qabtay toddobaad ka hor, ayaa shalay markii la xukumay khamrigii ku daadiyey Maxkamadda horteeda