Al-Shabaab oo Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxyadii Gilgilay Magaalada Muqdisho

Soomaaliya (berbernews) Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay weeraradii qaraxyadii ahaa ee xalay lala beegsaday hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku dhinteen dad gaadhaya 10 ruux ayna ku dhaawacmeen 37 ruux.
abuu-muscab
War lagu qoray bog twitter oo dhowaanahan ay adeegsato kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarada ay iyagu qaadeen ujeedkuna ahaa in lagu beegsado saraakiil sirdoonka ka mid ah oo ku sugnaa hotelka.
Warkaasi ayaa sidoo kale Al Shabaab ku sheegatay in weerarada ay ku dileen ciidan ka mid ah kuwa dawlada sida ay sheegteen.
Dawlada Muqdisho ayaa sheegtay inay ka hortagtay weeraradan oo Al Shabaab ay ku doonaysan inay ku geysato khasaare nafeed oo aad u fara badan.
Illaa 10 ruux ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen halka 37 kalana ay ku dhaawacmeen labo qarax o baabuur loo adeegsaday oo lala beegsaday baabuur taally bannaanka hore ee hotelka Jazeera oo waxyar u jira garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Al Shabaab ayaa toddobaadkan digniino u jeedisay dadweynaha ku nool Muqdisho inay ka fogaadaan goobaha ay joogaan masuuliyiinta dawlada iyo AMISOM iyagoo ku  goodiyey inay weeraro ku qaadi doonaan.
berbernews-Disk