Hargeysa: Bandhig-carweed Ganacsiga Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)–Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta furay bandhigga carwada lixaad ee ganacsatada Somaliland oo lagu qabtay hool wayn oo laga hirgeliyey huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Carwadan oo ah mid ay ganactada dalku ku soo bandhigeen ganacsiyadooda kala duwan, waxa furitaankeeda ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno aqallada Baarlamanka ka socday, wakiillada shirkadaha waawayn ee dalka ka jira iyo fannaaniin heeso kaga qaybqaatay.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac oo xafladda furitaanka hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in carwadan ay soo abaabushay Rugta Ganacsiga oo uu sharcigu siinayo inay sannadkiiba hal mar badeecadaha ganacsatada dalka soo bandhigto.c5 c4 c3  c2

“Waxaannu u mahadnaqaynaa cid kasta oo gacan iyo fikirba ka qaadatay, waxaannu u mahadnaqaynaa masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Warshadaha sidii ay hawshan noola fududeeyeen, waxa kale oo aan guud ahaanba u mahadnaqayaa ganacsatada na soo ajiibtay, si gaar ahna waxaan ugu mahadnaqayaa shirkadaha carwadan kaga qaybqaatay gacanta ugu wayn sida Dahabshiil, Telesom, Somcable, Milgo iyo kuwo oo badan. Guud ahaan ganacsatada halkan isugu timi waxaan Alle uga baryayaa inuu wax wanaagsan ka siiyo.”

“Carwadani Somaliland waa u magac, ganacsatada Somaliland waa u magac iyo manfac, shacabka Somaliland-na waa magaalaysi,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu Maxamed Shugri Jaamac.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Md. Bashiir Cabdi Xariir, ayaa hadal kooban uu madasha ka jeediyey ku yidhi, “Carwadan waxaynu ku soo bandhigaynaa cududeenna ganacsi, cilmigeenna iyo caqligeenna. Waxaynu ognahay maanta in halka ganacsigeenu marayo uu ka dheereeyey wax walba, aad baanu ugu faraxsanahay, waanu dhiirigelinaynaa.”

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Abiib Diiriye (Abiib Tima-cad), ayaa wax lagu farxo iyo maalin qiimo leh ku tilmaamay carwadaasi ganacsi oo uu sheegay in ay tahay mid la mid ah kuwa waawayn ee adduunyada horumartay lagu soo bandhigo.

“Waxa halkan yaala inoomay suurtogaleen haddii aynaan nabad haysan, waana in aynu ilaahay ugu mahadnaqno nabadda aynu haysano,” ayuu yidhi Wasiir Abiib Tima-cad.

Ugu dambayntii Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo carwadaasi si rasmi ah u furay, ayaa sheegay in carwadani muujinayso heerka ganacsiga iyo horumarka Somaliland marayo.

“Ganacsigu waa laf-dhabarta dalka, annaguna waxaannu diyaar u nahay in aannu dhiirigelinayno. Shuruucda iyo xeerarka waa in aynu ilaalino, iyadoo ganacsigu xor yahay haddana uma baahnin in aynu isku dumino ganacsiga.

Waxaannu soo dhawaynaynaa maalgashiga dalka iyo isku-darashada maalka oo shirkaduhu ogolyihiin in wax la isku darsado,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Berberanews.com

info@berberanews.com