HCTV Oo Barnaamijkiisii Sanadka Cusub Ku Soo Bandhigay Fanaaniin Da’yar Iyo Suxiyiin Caan Ku Ah dhinaca Mado-daalada Oo Daadihi-nayey

Hargeysa-(Berberanews)–Telefishanka caalamiga ah ee Horn Cable Tv (HCTV) ayaa munaasibadii sanadka cusub ee 2014-ka habeen hore ku soo dhaweeyey barnaamij noociisu ku cusub yahay telefishanada afka Soomaaliga ku hadla, kaas oo ay ku soo bandhigeen fanaaniin dhalinyaro u badan oo heeso iyo barnaamijyo kala duwan oo farshaxanimo badani ka muuqato la yimid xarunta HCTV ee uu ka qabsoomay barnaamijkaasi.

Barnaamijkan sanadka cusub ayaa waxa ka soo qaybgalay fanaaniin badan oo kuwii hore, kuwii dhexe iyo kuwa danbeba iskugu jira, halka aanay madashaasi ka maqnayn majaajilaystayaasha wakhtigan ugu wanaagsan ee caanka ka ah giyiga Soomaalida ee Jawaan iyo Sooraan, isla markaana waxa kale oo barnaamijkaas sanadka cusub qayb ka ahaa kooxaha hidaha iyo dhaqanka oo iyaguna sanadka cusub ee 2014-ka kaga qayb-qaatay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.Nimco Samriye iyo Cawke
Barnaamijkaas noociisu ku cusub yahay telefishanada Soomaalida ee HCTV u diyaariyey daawadayaashiisa ayaa waxa daadihinayey labada suxufi ee aadka looga xiiseeyo dhulka Soomaalida, isla markaana looga hadhay barnaamijyada dhinaca mada-daalada ee  Axmed Xasan Cawke iyo Nimco Cumar Samriye (Nimco Samriye) oo aalaaba iyagu caan ku ah barnaamijyada loogu daawashadda badan yahay ee ka baxa telefishanadda Somaalida.
Sidoo kale Telefishanka Horn Cable Tv oo ayaa dhawaan la gaadhsiiyey waqooyiga America oo isaga imika wixii ka danbeeya  bulshadda Soomaalida ahi ka daawan doonto kuwaas oo ka daawan-doono Satellite-ka waqooyiga America ee Galaxy 19,
Dhinaca kale sida ay wargeyska Haatuf u sheegeen maamulka HCTV  waxay dib u habayn ku wadaan telefishankaasi, kuwaas oo tilmaamay in la badali-doono dhamaan qalabka kala duwan ee uu tv-gu ku shaqeeyo, kaas oo lagu badeli doono  sida ay sheegeen qalab casri ah oo farsamo ahaan iyo tayo ahaan ka wanaagsan qalabkaas hore.