Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer oo Ciidanka RRU-du Xalay kala bexeen Gurigiisa

Burco (Berberanews):- Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, ayey xalay Ciidammada Booliska ee sida gaarka ah u tabobbaran ee loo yaqaanno RRU-du kala baxeen Gurigiisa oo ku yaalla magaalada Burco ee xarunta gobolkaas, kaasoo la sheegay inay u soo dhaadhiciyeen dhinaca Xabsiga magaalada Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil.

guled-300x225

Badhasaab Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer waqtigii Xukuumaddii Daahir Rayaale, ayaan Xukuumadda hadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo aan wax xil ah ka haynin, isla markaana dhawr jeer oo kala duwan ayaa Xabsiga loo taxaabay tan iyo intii uu wareejiyey xilka Badhasaab ku-xigeenka Togdheer, ka dib markii uu talada ku guulaystay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ee uu Xukuumaddiisa soo dhisay.

Sida laga soo xigtay qoyskiisa Guuleed Daahir Samatar waxa ay Ciidammada la-dagaallanka Argagixisada Somaliland ee RRU-du, xalay ugu galeen gudaha Gurigiisa, halkaas oo ay ka qaateen, waxaanay Xaaskiisu Warbaahinta u sheegtay inay si argagax leh ugu soo daateen Ciidammada hubaysan ee RRU-du gurigooda, isla markaana markii ay Odaygeeda Guuleed qabanayeen dhaawacyo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah Carruurtooda, maaddaama oo ay ahayd waqti la hurday sida ay sheegtay.

Illaa hadda Xukuumadda Somaliland iyo Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco midna kama hadal sababta keentay Xadhigga Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Faarax Samatar iyo cidda bixisay amarka soo qabashadiisa toona, lamana oga sababta xadhiggiisu la xidhiidho.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo aannu galabta illaa caawa isku-daynay inaannu xadhigga Badhasaab ku-xigeenkii hore ee gobolkaas wax ka weydiinno, ayaanay noo suuragelin, ka dib markii uu naga qaban waayey Taleefankiisa gacanta oo aannu marar kala duwan ka wacnay, isla markaana nooga jawaabi waayey farriimo aannu u dirnay.

Hase-yeeshee, waxay wararku sheegayaan in Guuleed loo dhaadhiciyey subaxnimadii saaka dhinaca Jeelka Mandheera oo lagu xidhay, iyada oo aanay Maxkamad xukuntay in Jeel la geeyaa jirin. illaa hadda si rasmi ah looma oga nooca dembiga uu galay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer Guuleed Daahir Samatar, waxa lagu xidhay iyo cidda amarka xadhiggiisa bixisay toona.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.