Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga oo badbaadiyay 233 muhaajiriin oo ay ku jiraan Soomaali

MALTA (berbernews) Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa badbaadiya illaa iyo 233 muhaajiriin Afrikaan ay Soomalai ku jirto xeebta Lampedusa.
download
Dadkan muhaajiriinta ah ayaa waxa ay saarnaayeen doon dhererkeedu yahay toban mitir iyadoo dadka saarnaa ay ahaayeen dad ka soo jeeday wadamada Eritrea, Nigeria, Somalia, Zambia iyo Mali iyo weliba dalka Pakistan.
Warkan oo aan ka soo xiganay Times of Malta ayaa lagu sheegay in aysan ka mid ahayn ciidamada soo badbaadiyay ciidamada badda ee dalka Malta.
Dadka soo gaaraya Talyaaniga kana imanaya waqooyiga Afrika ayaa saddex jibaarmay sanadkii dhamaaday ee 2013 waxaana sii kordhiyay qaxooti ka imanaya dagaalada sokeeye ee dalka Syria.
Bishii Oktoobar 366 muhaajiriin Eritrean ah ayaa ku dhintay kadib markii doon ay saarnaayeen ay kula degtay xeebta jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.
Doontan la badbaadiyay ayaa noqotay tii ugu horeysay ee soo gaarta xeebaha Talyaaniga sanadkan cusub ee 2014.
berbernews-Desk