Hargeysa (berbernews) -Abwaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo ka mid ah golaha guurtida islamarkaana ah abwaankii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku tukhaantukhiyay heestii caanka ahayd ee ‘Ka dhaadhac, Dilaal noo dhuuntayoow” ayaa wakhtigana Madaxweyne Siilaanyo u tiriyay hees ka culus taas hore.
Abwaan Jaamac-Riyo, wuxuu heestan cusub ugu magac daray, “Soo Daata.” Waana hees si toos ah u gu socota Madaxweyne Siilaanyo. Abwaanku wuxuu Wargeyska Geeska Afrika soo gaadhsiiyay nuqulka qoraalka heestaas oo u muuqata in miisaankeedu la mid yahay heestaas hore ee Daahir Rayaale Kaahin galaafatay, waxa lagu hawlanyahay abaabulka sidii cod iyo miyuusig loogu ladhi lahaa. Midhaha heestu waxay yihiin sidan:
Siyaasadii dibadiyo
Dalkiyo tii tiil gudaha
Dariiqeedii ka baydhay
Dagtoo wax isdaba maryaysay
Dil iyo dhagar noo horseeday
Tashiga duul kula wadaagay
*** **** ****
Soo doog baan lahaaye
Ka sii dar haddii ay ahaatay
Dan guud iyo boobisteeda
Duul ooman waraabintooda
Adoo duma-baa roone
Dilaalka badheedhayoow
**** ***
Dushiinay ceebi taale soo daata
Kuwii idinkaa ka darane soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka daata
Xilkaanu kuu dooraniyo
Dantii Somaliland
Dayaysay daryeeli wayday
Qabyaaladii daaha qaaday
Doc iyo reer-reer istaagtay
Shir beeleed dib ugu guurnay
Danqaabadii aad abuurtay
Dix iyo ceel lama wadaago
Sidaad duulaan tihiin
Dalkiyo beeshaba qabsaday
Degmadu tiinii ahayn
Hadhuubkiyo doobigii
Markaw darandoorideen
Dushiinay ceebi timide Soo daata
Kuwii idinkaa ka daran soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka data
Dir iyo daabaan gabaay ka daado.