Raysal-wasaarihii Hore Ee Israail Eriel Sharon Oo Noolaashihiisa Laga Dayriyey, Ka Dib 7 Sano Oo La Qarinayey

Tel Aviv (berbernews) – Raysal-wasaarihii hore ee dawladda Yuhuudda ee Isreal, Eriel Sharon, ayaa xaalad caafimaad daro oo degdeg ahi ku soo korodhay, ka dib muddo 7 sanadood oo uu cisbitaal ku jiray.
Ariel-Sharon
Eriel Sharon, oo hadda ah 85 sano jir ah, ayaa wariyayaashu sheegeen in qaar ka mid ah xubnaha muhiimka ee jidhkiisa ay istaageen, siiba Kalyaha isla-markaana mar walba la filan karo inuu geeriyoodo “Wuxuu ku jiraa xaalad adag, inuu sii noolaadana way adag tahay” sidaa waxa saxaafadda u sheegay Dr Zeev Rotstein oo ah agaasimaha Cisbitaalka uu yaala Sharon.
 
Erial Sharon, ayaa cisbitaalka uu 7 sano ku jiro la dhigay ka dib markii madaxa uu dhiig kaga furmay, waxaanu ilaa wakhtigaasi ku jiray koomo.
Mr Eriel Sharon, ayaa mudadii uu cisbitaalkan ku jiray la qarinayey waxaana dadka adduunka badankiisu aaminsanaayeen inuu dhintay, balse warka hadda soo baxay ayaa muujinaya in xaaladdiisa oo culayd looga qarinayey warbaahinta caalamka, balse waxa dibadda u soo saaray Maamulka cisbitaalka xaaladdiisa lagula tacaalayo.
berbernews-Desk
Hargeaysa/Somaliland